Hargeysa (Hubaal) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Xaalad Dalka, gaar ahaan Heshiiskii Dekedda Berbera oo uu sheegay inuu weli Mad-madow ku jiro, Isbeddelkii Xukuumaddu lagu sameeyay dhawaan iyo Muranka ka taagan deegaannada Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex.
Sheekh Aadan-Siiro, waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay dhibaatada If iyo Aakhiro ka dhalata Haddii Hoggaanka Dal uu leeyahay Ummaddiisa kula Macaamilo Been, isagoo xusay in waxyaabaha keena in Ummadi jabto ay ka mid tahay Hoggaankooda Been kula Macaamila isla-markaana arrin kasta oo soo waajahda Dalka Xalkeeda ku raadiya jid aan Run ahayn.
Halkan Ka Daawo Khudbadaas Oo Dhamaystiran: