Maamulka Puntland Iyo Hay’adda UNICEF Oo Ku Kala Aragti Duwanaaday Waxa Loo Adeegsaday Qaraxa
Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Garoowe. Qaraxan ayaa lala beegsaday baabuur bas ah oo ay saarnaayeen shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ku sii jeeday goobta shaqada.
War saxaafadeed kasoo baxay hay’adda UNICEF ayaa lagu sheegay in afar ka tirsan dadka dhintay ay hay’adda ay u shaqaynayeen.
Qaramada midoobay waxay sheegtay in la tuhnsan yahay in qaraxan ay sababeen walxaha qarxa oo lagu xidhay baabuurka ay saarnaayeen shaqaalaha hay’adda.
Dhanka kale waxa warar laga helayo dhinaca ciidamada amniga maamulka Puntland ay sheegayaan in qaraxa uu sababay qof is qarxiyey.
Qaraxa ayaa dhacay abaarihii 8-da subaxnino, waxaana uu dhacay wax yar kadib markii shaqaaluhu ay ka baxeen dhisme ay ka degganaaayeen magaalada.