UPDATE: Si Toos Ah Halkan Uga Daawo Muuqaalka Tooska Ah Ee Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha 45aad ee Ameerika

0
38

UPDATE: Si Toos Ah Halkan Uga Daawo Muuqaalka Tooska Ah Ee Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha 45aad ee Ameerika

Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha 45aad ee Maraykanka Mr. Donald Johson Trump oo Ka Dhacaysa Barxadda Capital Hills, Waxaana Goor Dhawayd dhaarinta Trump Iyo Ku Xigeenkiisa Mr. Pence Ay ka qabsoontay Kaniisadda St. Johson, waxaana markii la dhaariyey ay labadooda oo lagu gelbinayo tobonneeyo baabuur oo isu muuqaal eg, isla markaana ah kuwa aanay xabbadu karin, waxanay yimaadeen guriga cad oo ay ku sugnaayeen madaxweynaha iyo ku xigeenka xilka wareejinaya Mr. Obama iyo xaaskiisa, Mr. Biden iyo xaaskiisa. kuwaas oo afaafka aqalka cad ku soo dhaweeyey afarta xubnood ee bedelaya.

Sidoo kale waxaa guriga cad yimi Madaxweyneyaashii hore talada maraykan u soo qabtay qaarkood sida Goerge W. Bush, Bill Clinton iyo Jimmy Carter, kuwaas oo lagu soo casuumay inay goob joog ka noqdaan caleemo saarka Trump.
Labada Madaxweyne ee is bedelayaa waxaa ay qadar shir gaar ah ku galeen aqalka, kadibna waxaa ay u dhaqaaqeen barxadda ay xafladdu ka qabsoomayso ee Capital.

Haddaba Bahda Hubaal waxaa ay halkan idinku soo gudbinaysaa muqaalka xafladdaas

8368D7A8-4092-4EEB-91AB-82A3FDF704E5_w987_s_s

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here