Hargeysa(Hubaal) Ururka Dhalinyarada BARKHADLE oo Ah Urur Ay ku bahoobeen Qaybo ka mid ah Dhalinyarada Beelaha Ciidagale ayaa Maanta Munaasibad ay soo abaabuleen ku taageeray waxqabadka Xukuumada Somaliland ee Uu Gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo .
Xafaladan balaadhan oo maanat ka dhacaday Maagalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahayeen Gudoomiyaha uuruka Barkhadle Cabdiraxmaan Cismaan Cali, AF-hayeenka urukaasi,Suldaan Cawil Fiiqle ,Maxamed Axmed Kaahin,Haween Dhalinyarao Iyo Marti sharaf kaloo badan .
Waxa ugu horayin madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Barkhadle”Xafladan Sidaad aragtaan waxaa xaflada ay dhalinyarada ururka barkhadle ee Daa’uud Ismaaciil uu ku taageeraayo Xukuumada maanat jirta ee gadhwadeenka yahay madaxweyne Silaanyo,kolay dhalinyaradan waxa ay ku taageertay Xukuumada indho indhayn ay sameeyeen oo ay ugarteen in ay xukumadan maanat jirtaa ay wax qabatay .
Dowladan aan maanta taageeraynaa waa Dowladii ugu wax qabadaka badnayid waayo inta maanat dalka laga hir galiyay hore loogama hir galin qof walbaan indhihiisa wuu ku arkayaa taas weeye Sababta ay xukuumadan ku heshay taageerada aanu maanat u muujinaynaa.
Waxa Dhankiisa ka hadlay af-hayeenka Ururka Iid Ismaacill “Horta waxa ayaan daro ah dad aqoon yahan sheeganayaa in ay waxa ay donaan ku hadlaan waa ayaan daro maalin dhawyid dhalinyaro ayaa jirtay lahayd waxaan kalsonidii kala laaban xukuumada maanat jirta anagu waxa aanu leenahay waar xukuumadani waa xukumadii waxa qabdaka marna naga yaan lanaga filan in aan nidhaaho waxa aanu kala laabanay kasoonidii taasi anaga waxa naga suurtowda maah mana dhacaso.
Xukuumadani waa xukuumada maanta hir galisay waxayaabo badan oo dhalinyarad Somaliland waxa u tari doona,maanta waad ogtiin inta sharaxan ee golaha wakilada u sharaxan waa dhalinyaro dhamntood waa xukuumada taa inoo hirgalisay .
Waxa dhankisa halaa ka hadlay Cabdiraxmaan Axmed kabadhe Gudoomiyaha beesha ciidagale “Runtii Xukuumada maanat waxa qabdekeeda lama koobi karo qof walba oo indho fayow waa arkayaa markaa waxaan leeyahay mar walba iyo markasa xukuumada waanu taageeraynayaa anagu hadaanu nahay beeshan,Sidoo kale waxa halkaa hadlay Maxamed kaahin oo isna dhankiisa ku dheeraaday waxqabdaka buuxa ee ay xukuumada ka wada gudaha wadanka.
Halkan waxana amaan uga soo jeedinayaa maamula Madaarka Hargeysa Maxaed Yuusuf Iyo Agaasimaha Wasaarada Duulisa iyo hawada oo ah nin dhalinyaro oo how kar ah taasna iyaga ayaan ugu mahadnaqayaa howsha ay qaranka u hayaan.