Wefti uu hoggaaminayo safiirka IGAD ee Soomaaliya iyo Somaliland oo safar shaqo ku jooga Hargeysa
“Waxaannu u soconay in aannu xaqiijinbo waxa halkan ka jira, kuna dhiirrigelinno dawladda sidii loo qaban lahaa doorashada soo socota ee sannadka 2015” Safiirka Urur-goboleedka IGAD
“Cilaaqaad culus ayey Somaliland iyo IGAD wada leeyihiin, mashaariic badan ayeyna IGAD ka hirgelisaa dalka, aadna waxaan ugu soo dhowaynayaa Somaliland” Wasiirka Khaarajiga Somaliland
Hargeysa (Hubaal/Jam)- Wefti ka socda dalalka ku bahoobay Urur-goboleedka IGAD oo dalka ku sugan, ayaa sheegay in ujeeddada safarkoodu ku salaysan yahay in ay xukuumadda ku dhiirigeliyaan qabashada doorashada badhtamaha sannadka 2015, iyagoo xusay in doorashooyinka Somaliland muhiim u yihiin waddamada Geeska Afrika.
Weftigan oo xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda kulan kula yeeshay wWasiirrada Khaarajiga, Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka shalay, ayaa tilmaamay inay Somaliland wada-shaqayn fiican leeyihiin, safarkoodana yahay kii u horreeyey ee ay ku yimaaddaan Hargeysa.
Safiirka Urur-goboleedka IGAD u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo weftigan hoggaaminaya, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu tahay sidii ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugu dhiirrigelin lahaayeen in doorashooyinka soo socda loo qabto sida ugu dhaqsaha badan, wax dib-u-dhac ahna aannu ku iman, isla markaana diyaar u yihiin inay Somaliland ka caawiyaan qabsoomidda doorashadaas.
“Waqtigan waxaannu u soconnay in aannu xaqiijinno waxa halkan ka jira, kuna dhiirrigelinno dawladda sidii loo qaban lahaa doorashada soo socota ee sannadka 2015 horraantiisa ka dhici doona Somaliland, diyaarna waxaannu u nahay in aannu IGAD ahaan dawladda la qabanno, garab galno, wixii tageero ah ee ay nooga baahan yihiinna siinno, doorashadaasina waxay muhiim u tahay ummadda halkan ku nool iyo guud ahaan Geeska Afrika,” ayuu yidhi Ambassador Maxamed Afey.
Waxa kaloo uu sheegay inay xukuumadda Somaliland ku martiqaadeen shir dhawaan ka dhici doona magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, kaasoo ay ka qaybgeli doonaan wufuud tiradoodu dhan tahay ilaa 500 (shan boqol) oo caalamka ka socda.
Safiirka dalalka Urur-goboleedka IGAD u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inay xidhiidh aad u dhaw la leeyihiin Somaliland, dhinacayo badanna ka caawin doonaan, waxaannu yidhi; “Waxaannu nahay guddidii ugu horraysay ee si rasmi ah u yimaad Somaliland, waxaannu u hambalyeynaynaa shacabka Somaliland iyo xukuumadda oo go’aansaday in ay jidkii wanaagsanaa ee dimoqraadiyadda iyo nabadgelyadda u horseedaan shacabka ku nool. IGAD waxay xidhiidh dhaw hore ula lahayd Somaliland, iyadoo dugsiga ku yaal Sheekh ee Xannaanada Xoolaha oo ardayda wax ku dhigata guud ahaan ka kala yimaaddeen dalalka ku bahoobay IGAD.”
Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo markii shirkaasi dhammaaday la hadlay saxaafadda, ayaa xusay inay weftigan ku casuumeen Somaliland, kalena hadleen mashaariic badan oo ay dalka ka hirgelin doonaan Urur-goboleedka IGAD.
“Waxa farxad weyn noo ah, annagoo ay halkan nala joogaan wefti weyn oo ka socda IGAD oo uu hoggaaminayo Mr. Maxamed Afay oo uu la socdo Dr. Axmed Xasan Matan, waana markii u horraysay ee safiirku noogu yimaad Somaliland. Annagaa ku soo casuunnay, cilaaqaad culus ayeyna Somaliland iyo IGAD wada leeyihiin, sidaad la socotaanna mashaariic badan ayey IGAD ka hirgelisaa dalka, aadna waxaan ugu soo dhawaynayaa Somaliland, iyagoo mashaariic badan inoo haya.
Weftigu waxay inala joogi doonaan laba ilaa saddex maalmood, waxaanay la kulmi doonaan Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka, wasiirrada iyo dawladda, maantana (shalay) madax badan ayey la kulmeen, halkanna waxay kula kulmeen Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo aniga, mar labaadna waxaan ku soo dhawaynayaa in aannu cilaaqaad culus la yeelanay IGAD, horena ula lahayn, siina kordhinno cilaaqaadka IGAD iyo Somaliland ka dhexeeya,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.
Waa markii ugu horraysay ee wefti miisaankan oo kale leh oo ka tirsan Urur-goboleedka IGAD ku yimaaddaan Somaliland, waxana IGAD ku bahoobay dalakka Jabuuti, Itoobiya, Suudaan, Kenya, Eratariya, Uganda iyo Soomaaliya/Somaliland.