LAFARUUG: Urur Lagu Magacaabo HEGEBO Oo Xarun Caafimaad Ka Dhisaya Deegaankaas
Lafa-ruug (Hubaal) – Wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland Mr. Cabdinaasir Cumar Jaamac Kadin oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashiga Axmed Abokor ayaa si wada jir ah waxaa ay u dhagax dhigeen dhismaha xarun caafimaad oo ay yeelan doonto degmada Lafaruug oo hoos yimaada degmada Madheera ee gobolka Saaxil. Dhismaha xaruntan caafimaad oo ay fulinayaan urur samo fal oo ka shaqeeya horumarinta deegaanka Lafaruug oo lagu magacaabo HEGEBO.
Guddoomiyaha ururka fulinaya dhismaha xaruntan caafimaad oo ka hor madashii lagu dhagax dhigayay dhismahan hadal ka jeediyey ayaa u mahad naqay haweenay xubin ka ah ururka haweenka ee Alla-aamin ee deegaankaas kasoo jeeda oo iyada uu guddoomiyuhu ka guddoomay deeq lacageed oo ay ugu tabarucday. “maaha in cid uun wax laga sugo, mana ah in dawladda uun wax laga sugo ee waa in markasta ay dadka deegaanku wax wada qabsadaan oo ay isku tashadaan, taasna waxaa loo baahan yahay inaynu dadka kale hormood ugu noqono oo ay inagu daydaan”. Siddaasi waxaa yidhi guddoomiyaha ururka Hegebo oo fulinaya dhismaha xaruntan caafimaad ee laga hirgelinayo deegaanka Lafaruug ee hoostimaada degmada Mandheera ee gobolka Saaxil Mr. Maxamed siciid Muuse, waxaana uu intaa ku daray “qof waliba gacmihiisa ayaa uu biyaha kaga dhergaa, taasi ayaana sabab u ah in ururkani samaysmo, waxaananu ugu horayn soo ururinay dadkii aqoonta u lahaa caafimaadka ee deegaanka kasoo jeeday oo waxaanu nidhi waar bal haddii aynu innagu wax barannay waa inaynu deegaankeennii wax dib ugu celinaa. Waxaanu soo kaxaynay dhakhaatiir iyo khubaro aqoon u leh shaybaadhka, dawooyin wixii loo baahnaana waanu soo qaadnay, annaga oo jeebkayaga kasoo iibinay, waxaananu keenay deegaankan annaga oo la kaashanayna wasaaradda caafimaadka oo uu hoggaaminayo isu duwaha, markaanu arrintaas u sheegnay waxaanu samaynay baadhis wax bandanna waanu ogaanay uu deegaankani u baahan yahay’ ayuu yidhi guddoomiyaha ururka Hegebo Mr. Maxamed Siciid. Intaas dabadeed waxaa uu guddoomiyaha ururku waxaa uu ururka haweenka ee Alla aamin oo ay wakiil u ahayd Marwo Khadra Cali Nuur ka guddoomay lacag ka badan kun iyo laba boqol oo dollar oo ay ugu deeqeen haweenkani hawlaha horumarinneed ee ururka Hegebo ka wado deegaanka Lafaruug “waxaan guddoomiyaha ku wareejiyay $1200 oo ay iska soo ururiyeen ururka Alla aamin ooa h mid ay ku bahoobeen gabdhaha deegaanku” sidaasi ayay tidhi Mrwo Khadra Cali Nuur. Gebogabadii waxaa halkaa ka hadlay wasiir ku xigenka wasaarada caafimaadka Cabdinaasir Cumar Jaamac oo isagu halkaasi ku dhagax dhigay dhismahan.