Urur Loogu Magac daray ‘Dhalinyarada Habar Magaado’ Oo Hargeysa Lagaga Dhawaaqay Iyo Qaban-qaabada Guddi Loo Xil-saaray Shaacintiisa Oo Meel Wacan Maraysa

0
39

“Xaflada Qaban Qaabada Gudida Dhalinyarada ee Beelaha Habar Magaado oo Meel Fiican Maraysa iyo Ardayda Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare oo Kaalin Fiican Laga Siiyay..”

Hargeysa (Hubaal) – Shirar Doceedyo u Socday maalmahan dhalinyarada magaalada Hargeysa ayaa lagu go`aamiyay in la sameeyo ururka Dhalinyarada Beelaha Habar Magaado kaasi oo door weyn ku yeelan doona arrimaha horumarinta dhalinyarada iyo siyaasada.
Shirkii ugu dambeeyay oo lagu qabto magalaada Hargeisa ayaa lagu doortay gudoomiyaha Gudida Qaban Qaabada kaasi oo loo doortay Cabdinaasir Yuusuf Bulxan. Oo ka mid ah dhalinyarada ugu firfircoon magaalada Hargeysa.
Kulankan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro aad looga yaqaano magaalada hargeysa waxa kaalin firfircoon ka ciyaarayay ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa. Waxana lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo laga soo saaray kulankaasi oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha gudida ku meel gaadhka ee Dhalinyarada Beelaha Habar Magaado Cabdinaasir Yuusuf Bulxan ayaa u qornaa sidan:

ogaysiis“Anigoo ah guddoomiyaha guddida ku meel gaadhka ah ee dhalinyarada habar magaado waxa aan ammaan balaadhan usoo jeedinayaa dhammaan xubnihii dhalinyarada ahaa ee maalmahan shirarka ku lahaa magaalada Hargeysa, si ay u sameeyaan ururka dhalinyarada Beelaha habar magaado, iyo kuwii ku bixiyay waqtigooda iyo dhaqaalahooda, Ilaahayna ku guuleeyay abuuritaanka ururkaasi oo ka yimi fikrado lays waydaarsaday, muhiimna loo arkay abuuritaanka ururkan, maadaama haatan lagu jiro waqti kala guur ah loona baahan yahay in dhalinyaradu ka qayb qaataan jaangoynta siyaasadeed ee dalka, Ilaahayna nagu Guuleeyay.

Waxa aan shacabka Somaliland u sheegayaa in howshaasi lagu guulaystay samaynteeda haatana la gudo galayo sidii loo qaban lahaa shirka dhalinyarada Beelaha Habar Magaado, isla markaana loo dhisi lahaa dhamaystirka qaab dhismeedkiisa dhawaana waxa aanu socdaal ku tegi doonaa gobollada iyo degmooyinka dalka” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka uu soo saaray guddoomiyuhu.
Ururkan ayaa ah mid ay si weyn usoo dhaweeyeen dhammaan qaybaha bulshada iyaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid loo baahan yahay samayntiisa watigan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here