Ururadda Saxaafadda Somaliland Waxa La Gudboon Inay Mucaaridka Ka Qaadaan Balanqaadyo Rasmi Ah Inay Ku Dhaqmi Doonaan Xeerka Saxaafadda Ee Xeer Lr 27/2004: Haatuf Staff Writer

0
38

Ururadda Saxaafadda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa marxaladdan  lagu jiro la gudboon inay xisbiyada iyo ururadda mucaaridka hadda ka qaadaan balanqaadyo rasmi ah oo ku taxaluqa inay ku dhaqmi doonaan xeerka Saxaafadda Somaliland Xeer Lr 27/2004 isla markaana aanay warbaahinta u adeegsan doonin xeerka ciqaabta ee Somalia.

Ururadda saxaafaddu waa in ay hogaamiyeyaasha mucaaridka ku riixaan inay qaataan mawqifyo ay ku taageerayaan in warbaahinta dawladdu gacanta ku hayso (Telefishanka Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa) la madaxbanaaneeyo oo loo sameeyo golle hogaamineed (public broadcasting board) oo ka madaxbanaan xukuumadda iyo suxufiyiinta oo waliba ay xubnaha golahaasi ay wada jir u soo magacaabaan hay’adaha mujtamaca maddaniga ah, ururadda xuquuqul iinsaanka iyo guddoomiyaha gudi-hoosaadka arimaha bulshada ee golaha wakiiladda Somaliland.

Waxa kale oo tusaale ahaan dadka soo jeedinaya xubinnimada  golahaasi (board) ka mid noqon kara guddoomiyeyaashi soo maray Akaadamiyadda Nabadda.

 download

Waxa hadaba la joogaa waqtigii ay ururadda saxaafadda, qareenadda iyo aqoonyahanada dalku ay u hawlgali lahaayeen sidii ay nimanka doonaya inay dhawaan gacanta ku dhigaan xukunka wadankani ay hadda u qaadan lahaayeen mawaaqifta iyo talooyinka kor ku xusan, waana si aanay hadhow inoo dagin  fagaare loo dhan yahay lagaga saxeexaa, si ay u meesha uga baxdo tacadiga iyo mushkiladaha ka dhanka ah warbaahinta madaxabanaan ee ay kula kacaan xukuumadaha talada dalka gacanta ku dhigaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here