Ururka Boko Xaraam Oo Dhigooda Al-shabaab Ugu Baaqay Ku Biirista Daacish iyo Mawqifka Shabaab

0
46

Hargeysa (Hubaal)-  Ururka Boko Haram ee ka dagaalama Nigeria  ayaa ugu baaqday Al-Shabaab inay ku biirto kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Syria, islamarkaana  ka baxaan ka mid ahaanshaha urur-weynaha Al-Qaacida. Filim lasoo dhigay bogga Twitter ee Boko Haram ayaa lagu sheegay inay kooxdu ugu baaqayso Al-shabaab inay ka mid noqdoto ISIS, si la isaga kaashanado in la jabiyo waxay ugu yeedheen cadowga Islaamka meel walba oo uu dunida ka joogo. Sidoo kale, telefishinka FOX News ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa isna baahiyay in kooxda ISIS/Daacish ay sannadihii u dambeeyay dadaal weyn ugu jirtay sidii ay ugu soo biiri lahayd Al-shabaabta Somalia. Dhawaan ayay ahayd markii dhinacyada IS ee ku sugan dalalka Ciraaq, Suuriya, Gacanka Sinai ee Masar iyo Yemen ay fariin wadajir ah soo saareen, iyagoo ugu baaqay Al-shabaab inay ku soo biirto xoogaggooda. Arrintan ayaa imanaysa iyadoo maalmahan Al-shabaab ku hawlan tahay xidhxidhida dad Soomaali iyo ajaanib ah oo lagu tuhunsan yahay inay degaamada Al-shabaab ka taliso ay ku daadiyeen waraaqo khilaafada Islaamka(ISIS) lagu taageerayo. e491ee6210069a16fdd631fa9708b0e3_LWaxa degaanka Jilib ee gobolka Jubada dhexe lagu xidhay ilaa 30 qof. Waraaqaha la daadiyey ayaa la sheegay inay ku qornaayeen hadallo ay ka mid yihiin waxana taageersanahay waxa loogu yeedhay “Dawladda Islamiga ah”. Waxaa la sheegay in dadka waraaqaha daadiyey ay iskugu yeedheen “Wiilashii Khaliifada”. Dabyaaqadii bishii hore ayey ahayd markii Al-Shabaab ay magaalada Jamaame ku qabqabteen dad shan qof ah oo ajaanib ah oo lagu tuhumayo inay taageeraan ururka ISIS. Ururka Al-Shabaab ayaa dhowaan soo saaray amar ah inaan la jeedin karin khudbado iyo hadallo shaki gelinaya xidhiidhka ka dhexeeya Al-Shabab iyo Al-Qaacida, waxaana al-Shabab ay amreen inan la jeedin khudbado iyo hadallo aan fasax loogu haysan xafiiska warbaahinta ee ururka.  Qabqaabshadan waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay soo baxayeen maalmihii lasoo dhaafay farriimo xidhiidh  ah oo muuqaal ah oo dadka taageersan Daacish ay ugu baaqayaan Al-Shabaab inay isbahaysi la samaystaan ururka Daacish.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here