Ururka Dhalinyarada Saaxil Oo Si Buuxda U Taageeray Hadalkii Xoghaya Guud ee Madasha iyo Faysal Cali Waraabe ee in Dalka Laga Dhiso Dawlad Wadaag ah.

0
65

Warsaxaafadeedka ururka ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

Kulan maanta oo ay taariikhdu tahay 25/4/2015-ay iskugu yimaadeen xubnaha urruka isbahaysiga dhalinyarada gobolka SAAXIL ee marka magacooda la soo gaabiyo la yidhaahdo SYA,waxay si weyn u taageereen hadalkii ka soo yeedhay xoghayaha guud ee madasha wada tashiga ee ahaa in madaama xukuumadda Siilaanyo wakhtigu kaga eeg yahay 26/6/2015, ee sanadkan in dalka laga dhiso dawlad wadaag ah,oo dalka gaadhsiisa doorasho xor iyo xalaal ah,danadka danbe ee komishanka qaranku ku dhawaaqeen,isla markaana xisbiyada siyaasaddu ku taageereen komishanka,sidaasi awgeed waxaanu si buuxda u taageeraynaa talada madasha wada tashiga  ee ah in dawlad wadaag ah, dalka laga dhiso,madaama oo xukuumadan siilaanyo ay ku fashilantay inay dalka wakhtigii xilku kaga ekaa ku qaban weyday,madaama oo boobka hantida umadda,cadaalad darada.eexda,qabyaaladu iyo maamul xumidu ay dalkii la tegtay ,isla markaana loo baahan yahay in la badbaadiyo dalka.

berbera_galleryfullWaxa kale oo ay si weyn u taageereen hadalkii gudoomiyaha xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ee ahaa in madaama ay xukuumadda siilaanyo ku fashilantay qabashada doorasho wakhtigeedii ku dhacda in dalka laga dhiso dawlad dawaad ah,taasi oo dalka gaadhsiisa doorasho xor iyo xalaal ah,madaama ay xukuumadda siilaanyo fadhilantay.

Afhayeenka Ururka

Xasan Maxamed C/risaaq

Berbera/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here