Ururka Dhaqaalayahanku Maxay soo kordhinayaan, Ma Waxbay iska Hagranayeen Shalay

0
56

Waxa isku qaban la’ Somaliland waxay leedahay Kun iyo in ka badan oo dhaqaalo yahan ah iyo waliba Madaxweyne aqoonyahan ah Dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya waxa haysta dhibaatooyin aad u tiro badan oo aan la soo koobi Karin sida Dhaqaalo xumo, tirada iyo tayada aqoonta oo wadamada kale ka hoosaysa, adeegyada caafimaadka oo aan bulsshada wada gaadhin, dhimashada dhalaanka iyo hooyada uurka leh qaaradu Aduunka waxay kaga jirtaa halka ugu saraysa, dadka intooda badani ma cabaan biyo nadiif ah.

cabdiraxmaan cadami

Inta badan wadamadu malaha qorshe dhaqaale oo wanaagsan oo lagu dhiiri geliyo ganacsiga iyo maalgashiga.

carqaldaha waxa kale oo ka mid ah hantida yar ee soo gasha oo si xun loo maamulo iyo madaxda Africa oo  aan ka xishoon boobka hantida ummada ama aan lagu dabo gelin, digtaatooriyadu waa mushkilad kale oo la hadhay Afrika laakiin dhibaatada ugu daran waa dhibaatada dhaqaalaha ( The most critical area ) oo haddii la wanaajin lahaa ka dabooli lahayd baahiyo badan hase ahaatee dalalka Afrika way is dhaamaan Somaliland waxay ka mid tahay kuwa ugu sii liita ( The poorest of the poor).

 

Ma maqasheen: Hasha Kud baa dilay waxna way u weheshaan “” dhaqaale xumada Somaliland inta badan waxa loo aaneeyaa xaalada siyaasadeed ee dalka ama aqoonsi la’aanta beesha caalamka waxa se u weheliya aqoon daro, maamul xumo, musuq maasuq iyo iyada oo aan laysku taxaluujin in dib u habayn lagu sameeyo  Sector-ka  dhaqaalaha.

Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Maxamuud  xil iskama saaro haba yaratee inuu la xisaabtamo ama talaabo ka qaado wasiiradiisa walfay ee guri kasta iyo goob kastaba lagaga sheekaynaayo sida aan gabashada lahayn ee ay u xalaashadeen xoolaha ummada.

Waxa iyana la yaab leh ciidamada amniga iyo bahda garsoorka oo ciqaab adag mariya cid kasta oo farta ku fiiqda masuuliyiinta dawalada ee musuqa caadaystay  gaar ahaan saxaafada madaxa banaan oo baryahan dambe ka gaabsatay tilmaanta dhaliilaha dawlada iyo wax ka sheega madaxda Hunguriga dhiiran markii ay arkeen isha cali ka laalaada  iyo wixii saaxiibadood iyo xafiisyadii Wargeysyada Hubaal iyo Haatuf ku dhacay.

Si kastaba ha ahaatee dhawaan caasimada waxa lagaga dhawaqay urur ay ku bahoobeen aqoonyahanaka Somaliland ee ku takhasusuay cilmiga dhaqaalaha.

sida la baahiyay u jeedooyinka loo aasaasay waxa ka mid ah in cilmigii ay soo barteen dalkooda ay uga faa’iideeyaan, inay samayn doonaan cilmi baadhis iyo in la curiyo aragtiyo cusub oo dhaqaale iyo in talooyin loo soo jeediyo masuuliyiinta sarsare ee awooda sharci u leh siyaasada iyo jaan goynta dhaqaalaha wadanka.

Way haboon tahay in ururkan la aasaaso, ujeedooyinkiisuna waa kuwo muhiim ah oo lagu diirrsan karo waayo waxay abaareen meeshii Dalku ka dhutinayay oo ah dhinaca dhaqaalaha, laakiin waxa lays waydiinayaa Somaliland haddii ay dhashay tiro intaa leeg oo aqoon sare u leh cilmiga dhaqaalaha maxay door muuqda uga qaadan waayeen ama gacan uga gaysan waayeen sidii si cilmiyaysan loogu habayn lahaa dhaqalaha Somaliland oo aan ahayn in kolba cashurta la kordhiyo dadka aan aqoonta fiican u lahayn cilmiga dhaqalaha ayaa aaminsan in dhaqaalaha lagu kobciyo cashuurta oo la kordhiyo ma oga sirta wadamada dunida saddexad ee badhaadhay inay ka mid tahay cashuurta oo hoos loo dhigay.

Si kale hadaan u dhigo ururka dhaqaalayahanku maxay soo kordhinayaan ma waxbay iska hagranayeen shalay.

Raga madasha fadhiyay haddii ay wax tartayaan waxa ka mid ahaa  rag masuuliyiin sarsare ka ah Hay’adaha dawalada ee u xilsaaran dib u habaynta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka,  aqoonyahanka kale ee aan iyagu maamulka ku jirn waxay maanta ku baraarugeen ama ku baaqayaan inay wax ka qabanayaan miyaanay shalayba jirin?

 

Maxaa uga aamusteen in talooyin ka bixisaan siyaasada dhaqaalaha ee dalkeena, maxaad uga hadli waydeen sida xun ee loo maamulo hantida qaranka iyo saamaynta ay ku yeelan karto kobaca dhaqaaalaha, aaminaada iyo kalsoonida beesha caalamka, maxaa ugu jawaabi waydeen culimada qaldaysa bulshada ee Baananka Ganacsiga ee Maka iyo Madinaba ka furan Hargeysa iyo Burco in laga furo xaaraan ka dhigay, Maxaa xukuumada loogu iftiimin wayay shuruudaha maalgashigu u baahan yahay.

Si kastaba ha ahaatee dadweynaha waxa isku qaban la’ Somaliland waxay leedahay Kun iyo in ka badan oo dhaqaalo yahan ah iyo waliba Madaxweyne aqoonyahan ah oo ku takhasusuay Cilmiga dhaqaalaha  iyo dhaqaalihii dalka oo aan lahayn siyaasad cad oo lagu hago iyo qorsho wanagsan oo lagu maamulo.

Hadaba Akhriste ma shaahadooyinka iyo title-lada la sheeganayo ayaanay waxba ka jirin mise daacad baan  laga ahayn arrimaha dhaqalaha dalka .

C/raxmaan Cadami

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here