Akhri Afar Qoddob Oo Uu SOLLA Si Adag Ugu Duray waaxaha Qaranka Iyo Talo soo jeedin Uu Raaciyey
“Waxaa nasiib darro ah inaan maalin qudha dadweynaha loo sheegin cidda leh mas’uuliyadda dib-u-dhaca doorashada, iyadoo ay cadahay in ay sabab u tahay gudasho la’aan waajibaad dastuuri ah oo ay gudan weyday…|”
Hargeysa(Hubaal) Ururka qareennada Somaliland ee Solla ayaa war qoraal ah oo ay shalay ka soo saareen Hargeysa waxaa ay si adag ugaga hadleen muddo kordhinta mar kale la filayo in loo sameeyo goleyaasha wakiillada iyo deegaannada Somaliland, taasoo macnaheedu noqonayo in ay dib u dhacaan doorashooyinkii la filayay inay dalkan ka qabsoomaan bisha saddexaad ee sanadkan soo socda. Warsaxaafadeedkan SOLLA Soo saareen oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha ururka qareennadu waxaa kale oo lagu soo bandhigay deraasdo ururku ku sameeyey muddo kordhinno ay qayral sharci ku macneeyeen oo sanadihii 2010, 2013, 2015, 2017 iyo sanadkan 2018 loo sameeyey golaha wakiillada iyo sidoo kale laba jeer oo golaha deegaannada loo kordhiyey. Kuwaasi oo ay ku tilmaameen kuwo gef ku ah nidaamka dawladnimo ee qarankan. Haddaba warsaxaafdeedkan oo afar bog ka koobnaa oo nuqul kamid ah uu wargeyska HUBAAL xalay helay ayaa isaga oo faahfaahsan u dhignaa sidan:
“Ururka Qareenada Somaliland[SOLLA] isagoo tixraacya warsaxaafadeedka ay shalay oo taariikhdu ahayd 28/11/2018 soo saareen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, nuxurkiisuna ahaa dib-u-dhaca doorashada Golaha Wakiilada Somaliland iyo Golayaasha Deegaanka oo ay komishanka ku sheegeen in aan xiligeedii lagu qaban karin labadaa doorasho.
Markuu arkay qodobada ay Komishanka Doorashooyinku ku sababeeyeen dib u dhaca doorashada, iyagoo ku soo koobay lix(6) Qodob oo nuxurkeedu yahay: “Saami-Qaybiska Kuraasta Golaha Wakiilada, Xeerarka Diwaangelinta iyo doorashoyinka Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka, Diwaangelinta Codbixiyayaasha, Is-Fahan la’aanta Asxaabta iyo joojinta wadda shaqeynta Xisbiga Wadani iyo komishanka doorashooyinka qaranka iyo Dhaqalaha oo aan Dhamaystirnayn”.
Markuu daraasadeeyey dib-u-dhacyadii hore ugu yimid guud ahaan dooraashooyinka Somaliland, Gaar ahaana Doorashada Golaha Wakiilada oo aan marnaba inta ay somaliland jirtay wakhtigeedi ku qabsoomin, loona sameeyey muddo kordhimo qeyrul dastuuri ah, iyadoo tiraba Shan (5) Jeer loo kordhiyey Golaha Wakiilada, laga soo bilaabo sanadkii 2010, 2013, 2015, 2017 iyo sanadkan 2018. Sidoo kalana Doorashada Golayaasha Deegaanka oo aan ku qabsoomin wakhtigeeda iyadoo tiraba laba (2) Jeer loo kordhiyay, laga soo bilaabo sanadkii 2017 iyo sanadkan 2018.
Waxaa jirta in xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka soo maray laga soo bilaabo Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Madaxweyne Axmed Siilanyo ay xukuumad waliba samaysay muddo kordhimo qayrul dastuuri ah in ka badan laba jeer Doorashooyinka Madaxweyne, Golayaasha Wakiilada/Guurtida iyo Deegaanka. Sidookalena xukuumada hadda talada haysa ee Madaxweyne Muuse Biixi ay u muuqato in iyaduna ay raacayso sunihii xukuumadihii ka horeeyey, taasoo ah dastuur jabiniyo in hadba xukuumada talada dalka haysaa aanay ixtiraamin mas’uuliyadaha iyo waajibaadyada Dastuuriga ah iyo hanaanka Dimoqurayadeed, maamul-wanaag iyo xil-gudasho ee uu jideeyey Dastuurka Qaranka Somaliland.
Ururka Qareenadu markuu Darsay sababaha ay doorashooyinka dib-ugu dici jireen gaar ahaan Doorashooyinka Golaha Wakiilada oo intooda badan ahaa sababo isku mid ah ay ku sababaynayeen Komishanada Doorashadu qabsoomid la’aanta Doorshada Golaha Wakiilada JSL, arintaasi oo ah Saami-qaybsiga Kuraasta Goboladda dalka ee Doorashada Golaha Wakiilada oo aan la isla meel dhigin, iyadoo Maxkamada Dastuurigu ay hore u go’aamisay in aan doorasho danbe lagu galin saamiga kuraasta gobolada ee hadda ay ku fadhiyaan Golaha Wakiiladu, lana diyaariyo tirakoob guud dhamaan gobolada dalka oo dhan ah, natiijada tirakoobkaasna lagu saleeyo kuraasta gobolada dalka ee golaha wakiilada.
Ururka qareenadu markuu arkay Qodobka 37aad ee Dastuurka Qaranka JSL, oo jideeyey nidaamka isla-xisaabtanka iyo Waajibaadyada Madax-banaanida Xil-gudashada Waaxyaha Qaranka, oo midwalba Dastuurku u gaar yeelay in ay si madaxbanaan u gudato waajibaadkeeda dastuuriga ah, waax waliba waaxda kale kula xisaabtanto xil-gudashadeed. Sida ku cad Dastuurka Qaranka JSL:“Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeerdejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu Dastuurku dhigayo. Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay”.
Sidoo kale, Ururka Qareenada Somaliland markuu arkay Qodobada 56aad iyo 96aad ee Dastuurka Qaranka JSL, oo ka hadlay awooda isla-xisaabtanka waaxyaha qaranka, markay dhacdo xil-gudasho la’aan, ee ay waajibaad dastuuri ah waaxi gudan waydo, in waaxyaha kale kula xisaabtamaan, waxa muuqata in waaxihii isla xisaabtami lahaan ay dhacdo in ay midiba mida kale u kordhiso muddo xileedkeeda, isla-xisaabtankiina meesha ka-baxo, waaxdii garsoorka ee ay ahayd in ay ilaaliso dastuurka iyo shuruucda dalkuna ay noqotay mid fadhiid ah oo meel marisa dastuur jabinta labada waaxood ee kale ay soo hordhigaan, arintaasi oo si cad u muujinaysa sida sharci darada ah ee waaxyihii qaranku ummadda ugu heshiiyeen.
Waxaana nasiib darro ah in wakhtiyada badnaa ee doorashooyinka somaliland dib u dhacayeen, maalin qudha dadweynaha aan loo sheegin cida leh mas’uuliyadda dib-u-dhaca doorashada, iyadoo ay cadahay in markasta doorashadu dib-ugu dhacdo ay sabab u tahay gudasho la’aan waajibaad dastuuri ah oo ay gudan weyday waax ka mida waaxyaha qaranka balse aan loo sheegin bulshada, waxase marag ma doon ah in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu leeyahay mas’uuliyada kowaad ee qabashada doorashooyinka.
Ururka Qareenada Somaliland [SOLLA] wuxuu warsaxaafadeedkan ku cadaynayaa:
- In dib-u-dhaca doorashada ay sababteedu tahay xil-gudasho la’aanta hay’adaha qaranka ugu xilsaarnaa qabashada doorashooyinka ee ay ugu horeeyaan Xukuumada, Golayaasha sharci dejinta iyo Komishanka Doorashooyinka, kuwaasoo aan xil la iska saarin qabyotirka caqabadahan mar walba doorashada dib u dhigaya, ee ay ugu horayso Saami-Qaybsiga Kuraasta Gobolada.
- Inwarsaxafadeedka komishanka ee dib-dhaca doorashada aanu ahayn mid sharciga waafaqsan. wakhtiga ay ku dhawaaqeena aanu ahayn wakhti ku haboon, xeer ahaana ay waajib ku tahay komishanka in ugu yaraan lix(6) bilood ka hor ku dhawaaqaan liiska codbixiyayaasha sida ku cad qodobka 7aad ee Xeer L/R 37, dib-u-dhaca la xidhiidha diwaangelinta codbixiyayaasha ee ay shalay sheegeenna uu waajib ku ahaa inay sheegaan muddo lix bilood ka hor ah, taasina ay tahay mas’uuliyad darro iyo dayaacaad Xil oo ka timid komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL.
- Waxaacad in dib-u-dhaca doorashada tahay xil-gudasho la’aan ka timid Xukumadda uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Golaha Wakilada JSL.
- Ururka Qareenada Somaliland wuxuu bulshada u cadaynayaa sharci ahaan in aanu jirin waajib dastuuri ah oo ka saaran Xisbiyada Qaran ee Mucaaradka ah qabsoomida doorashada. Dooda Komishanka ee ah Xisbiga Wadani ayaa u sabab ah dib-u-dhaca doorashaduna maah cudur daar sharci ah oo doorashada dib loogu dhigi karo, mana aha in la baahiyo mas’uuliyadaha uu dastuurku cid u gaar yeelay. Xisbiyada Mucaaradka ee Qaranku umadda xil uma hayaan, oo ma soo galayaan nidaamka isla-xisaabtanka waaxyaha dawladda mana aha in lagu sobabeeyo dib u dhaca doorashada.
Guntii & Gunaanadkii, Ururka Qareenadda Somaliland wuxuu soo jeedinayaa:
- In Xubnaha Komishanka Doorashooyinku is-casilaan, madaama ay waajibaadkoodii qaran gudan kari waayeen.
- In Xukumada iyo Golayaasha Qaranku bulshada u cadeeyaan cidda sababtay dib u dhaca doorashada ee waajibaadkoodu dastuuriga ahaa gudan wayday.
- In Xukumada iyo Golayaasha Qarankuba soo celiyaan nidaamka isla-xisaabtanka dastuuriga ah ee ku xusan qodobada 37aad, 56aad iyo 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
ALLah Mohad Leh
Maxamed Maxamuud Xaashi
Guddomiyaha Ururka Qareenadda Somaliland [SOLLA]