Ururka SOLJA Oo Baaq Iyo Talo Ka Soo Saaray Khilaafka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Shaqaalaha Xidhan

0
89

Hargeysa (Hubaal)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ku baaqay in degdeg loo sii daayo suxufiyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo xabsiga loo taxaabay maanta, kadib markii khilaaf culus oo ka qaxray wasaaraddaasi sababay inay isku dhacaan Ciidanka Booliska iyo qaar ka mid ah shaqaale halkaasi ka hawlgala.

Somaliland-SOLJA-Chairman-1“War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha ururka SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo uu kaga hadlay khilaafka Wasaaradda Warfaafinta ka qarxay oo uu talooyin ka bixiyey, waxa uu u dhignaa sidan;

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta iyo Xukuumadda ba ugu baaqayaa in la sii daayo toddoba wariye oo ay maanta ciidanka Booliiska Wasaaradda Warfaafintu u taxaabeen saldhiga, kuwaas oo mid ka mid ah ay xaaladdiisa caafimaad aad u liidato, kadib markii ay boolisku garaaceen.

SOLJA waxay walaac xooggan ka muujinaysaa khilaafka soo noqnoqday ee ku gedaaman Wasaaradda Warfaafinta, kaasoo saamayn ku yeeshay weriyayaasha ka hawlgala wasaaraddaas, kuwaas oo marar kala duwan cabashadoodu soo gaadhay SOLJA, balse ay xukuumaddu gacanta kula jirtay.

Nidaamka dawladeed ayey tahay in masuuliyiinta wasaaraddaha iy shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgalaa kala yeeshaan masuuliyadahooda kala duwan, isla markaana waxa qof kasta saaran masuuliyaddiisa gaarka ah, sidaas daraadeed dhawaaqyada SOLJA ka soo gaadhaya khilaaf u dhaxeeya bahda Wasaaradda Warfaafintu waa mid muuqaal xun ka bixinaya haykalka dawladnimo.

Dhacdada lagu xidh-xidhay toddobada weriye waa mid ay masuuliyadeeda yeelan doonto ciddii samaysay khaladka keenay inay isku dhacaan Ciidanka Amniga iyo weriyayaashu. Haseyeeshee, SOLJA waxay soo jeedinaysaa in si dhakhso ah loo soo daayo wariyayaasha isla markaana la saxo maamul xumada ka jirta wasaaradda warfaafinta taasoo ah mid soo shaac baxday tan iyo toddobaadkii hore, markii khilaaf soo jiitamayey ka dhex qarxay masuuliyiinta wasaaraddaasi.

SOLJA waxay dhinacyada ugu baaqaysaa in la ilaaliyo isla markaana la ixtiraamo sharafta wasaaradda Warfaafinta iyo wariyayaasha ka hawl-gala, waxaana loo baahan yahay wasaaraddu inay noqoto mid khilaafkeeda loo Maareeyo si qoto-dheer.

SOLJA sida ay xogta ku heshay dhacdada sababtay in la xidho wariyayaashaasi, waa mid sal-balaadhan oo ku qotonta kala amar qaadasho la’aan u dhaxaysa masuuliyiinta iyo Hawl-wadeenada wasaaradaasi oo kala qaybsan.

Sidaas daraadeed waxay SOLJA ugu baaqaysaa in la ilaaliyo kala danbaynta iyo nidaamka shaqo inta aanay xaaladdu gaadhin meel aan waxba laga qaban doonin.

Liiska wariyayaasha la xidhay:-

Jamaal Axmed Naasir -Barnaamij soo saare

Farxaan Finad Faarax – qaybta baahinta (Transmitter)

Maxamed Ismaaciil Cabdi – Barnaamij soo saare

Axmed Ibraahim Qalinle – Camera Man

Liibaan Cabdillaahi Cabdisalaan Sh Cali Jawhar – Camera Man

 Nimcaan Axmed Dagaal – Camera Man

Xasan Ismaaciil Maxamed (Shaah) – Barnaamij soo saare.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here