Ururka SOLJA oo Sheegay In Xukuumaddu Hor Istaagtay Ilo-wareedyo Ay warbaahintu Ka Heli Jirtay Xogta Heshiisyada

0
42

War-murtiyeed Ka Soo Baxay  Ururka Suxufiyiinta SOLJA Oo Walaac Ka Muujiyey Cabudhin Ka Dhan ah Xorriyadda Hadalka  Oo Lagu Beegsanayo Weriyeyaasha Iyo Muwaadiniinta

SOLJA

Hargeysa (Hubaal) – Masuuliyiinta ururka saxaafadda Somaliland Ee SOLJA ayaa war qoraal ah oo ay shalay soo saareen kaga digay cidhib xumada ka dhalanaysa dibindaabyada lagu bartilmaameedsanayo suxufiyiinta iyo cidii kale ee ka hadasha arrimo madmadow ku jiro oo aan natiijadoodu daah furnayn. War saxaafadeedkan SOLJA  waxaa sidoo kale lagu cambaareeyey xadhigga lagula kacay dhalinyarada naqdiday heshiiska DP World iyo Somaliland iyo Weliba weriyeyaasha gobolka Saaxil ee muddada dheer u xidhan warbixin ka dhan ah mawqifka qaar kamid ah xildhibaannada golaha deegaanka Berbera ka istaageen heshiiskaas, taasoo ay weriyeyaashu baahiyeen kadibna maayarka Berberi amray xadhigooda.  War-saxaafadeedkan ayaa isaga oo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan: “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu walaac weyn ka qabaa talaabooyinka isa soo taraya ee ay Xukuumadda Somaliland ku cabudhinayso Madax banaanida Saxaafadda iyo Xorriyatul-qalka, iyadoo falalka ka dhanka ah muwaadiniinta ee xabsiyada loo dhigay iyo kuwa Dacwaduhu ku socdaanba tahay kuwo dhaawac ku keeni kara Dastuurka Somaliland qodd: 32 aad iyo Xeerka Saxaafadda 27/2004. Ururka SOLJA isagoo ka duulaya masuuliyadda saaran sida ku cad Xeerka Saxaafadda iyo Dastuurka Ururkaba waxa uu u arkaa dhalinyarada u xidhan xorriyatul-qalka isla markaana lagu haysto gudbinta fikirkooda ku aadan Heshiiska Dekedda Berbera inay tahay cabudhin. Sidoo kale, Ururka wuxuu canbaaraynayaa culayskii ciidamadda Booliisku ku hayeen madashii ay dhalinyaradaasi ku hadlaysay, oo ay wariyayaashii wax ka duubayey cabsi darteed kaga fakadeen ciidamadda iyagoo ka daatay Dayrka danbe ee Hudheelkii ay xafladdu ka socotay, kuwaas oo ay u suurtogashay inay sii daayaan fikradaha ay dhalinyaradaasi u xidhan yihiin. Dhinaca kale, Ururka SOLJA waxa uu u arkaa wariyayaashii Berbera loogu xidhay baahinta fikirkii xubin ka tirsan xildhibaanka golaha deegaanka Berbera inay sii socoto isla markaana ay marayso in Wargeyska Foore iyo wargeysyada kale ee Dacwaduhu uga socdaan Maxkamadaha ay tahay fal ka hor imanaya damaanadda uu Dastuurka Somaliland siiyey Saxaafadda iyo Muwaadiniinta kala duwan. Ururka SOLJA waxa uu ku dhaliilayaa xukuumadda Somaliland inay gabi ahaanba hor istaagtay Ilo wareedyadii ay warbaahintu  Xogta ka heli lahayd sida ku cad Heshiisyada ay la soo galayaan shirkaddaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah-ba ama uu Maareeyaha Dekedda Berbera Warbaahinta u sheegay markii ay weftigoodu ka soo noqdeen Imaaraadka Carabta. SOLJA waxay u aragtaa in dhalinyar Fikirooda ku cabiray warbaahin ay muddo dheer xabsiga ugu jiraan, iyadoo ay Wasiiradda ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo ka tirsan Xukuumaddu warbaahinta u marinayaan Eedo aan jirin, halka aan illaa hada wax Eed ah la hor-gayn Garsoorka. Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay Xorriyadooda usoo celiso dhalinayaradaasi xidhan, isla markaana ay joojiso wax kasta o oak dhan ah Xorriyatul-qawlka iyo madax banaanida Saxaafadda”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here