Ururka SSJW Oo Sheegay In Xuska Maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunku Ku Soo Beegmay Xili Ay Somaliland Ku Xidhan Yihiin Wargeysyo Iyo Qorayaal Madaxbanaan
“Ururka SSJW) Waxa Uu Ugu Baaqayaa Ururada Saxaafada Aduunka Iyo Kuwa Xuquuqal Insaanka Ee Taageera Madaxbanaanida Saxaafada Iyo Xoriyatal-Qawlka Inay Culays Ku Saaraan Xukuumada Sidii Ay Usii Dayn Lahayd Qorayaasha Jaamac Cilmi Jiir Iyo Guuleed Axmed Jaamac” Ururka SSJW
Hargeysa, April 3, 2015 (Hubaal) – Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee Somaliland (SSJW) ayaa suxufiyiinta Somaliland ku bogaadiyey xuska maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka (Press Freedom Day) oo loo asteeyey 3-da May ee ku dhaqanka mabaadiida aasaasiga u ah saxaafada.
Ururka SSJW waxa uu sheegay in maalinta madaxbanaanida Saxaafada ee 3 May ay saxaafada Somaliland ugu soo beegantay xili ay xayiran yihiin labada wargeys ee madaxabnaan ee Hubaal iyo Haatuf oo si qayrul sharci ah ay u xayirtay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana xukun sharci daro ah loogala noqday ruqsadii sharciga ahayd ee labadaa wargeys ee Haatuf iyo Hubaal ay ku gudanayeen xilkooda warbaahineed iyo hawshii ay u hayeen bulshada Somaliland.
Ururka SSJW waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaramay maanta Afhayeenka ururkaasi Maxamed Sagax, kaas oo u qornaa sidan:-
“Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee Somaliland (SSJW) waxa uu marka u horaysa ku bogaadinayaa guud ahaan Saxaafada Somaliland xuska maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka (Press Freedom Day) oo ku beegan maanta oo taariikhdu ay tahay 3 May 2015-ka, hase yeeshe ururka SSJW waxa uu ka tacsiyadaynayaa saxaafada Somaliland tacadiyadii sanadkan loo gaystay Suxufiyiinta iyo Warbaahinta madaxabanaan ee ka hawlgasha dalka.
Waxaanay maalintani ku soo beegmaysaa xili ay mudo sanad ka badan ay xayiran yihiin labada wargeys ee Hubaal iyo Haatuf oo si qayrul sharci ah ay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo u xayirtay ugalana wareegtay xarumahoodii ay ku shaqaynayeen wargeysyadaasi iyo qalabkii ay kaga hawlgalayeenba, taas oo xafiisyadoodii ay wali degan yihiin ciidamadii qabsaday.
Ururka SSJW waxa uu Saxaafada Somaliland ku bogaadinayaa ku dhaqanka mabaadiida asaasiga u ah saxaafada iyo ku faro adayga xil-gudashada mihnadooda warbaahineed, adeegyada ay bulshada u hayaan, xili ay ku gedaaman yihiin duruufo adagi.
Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee (SSJW) waxa uu ugu baaqayaa ururada Saxaafada Aduunka, Ururada Xuquuqal Insaanka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyatal qawlka in culays ay ku saaraan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo sidii ay usii dayn lahayd Qorayaasha Jaamac Cilmi Jiir, Guuleed Axmed Jaamac oo xabsiyada Burco iyo Hargeysa ugu xidhan Ra’yigooda oo ay Cabireen oo ay ku baahiyeen warbaahinta Madaxabanaan iyo Labada Wargeys ee Xayirnba”.
Allaa Mahad Leh
Maxamed Sagax
Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta Iyo Qorayaasha Madaxabanaan Ee SSJW