Hargeysa (Hubaal)- Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxa banaan ee SSJW [Somaliland Society Journalist and Writers] ayaa ka naqdiyey afcaasha afhayeenka Madaxtooyada Somaliland kula dhaqmo Saxaafadda Somaliland. Afhayeenka Ururka SSJW Md. Maxamed Ibraahim Sagax oo war saxaafadeed ka soo saaray magaalada Hargeysa ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara madmadow soo dhex gala xidhiidhka ka dhexeeya Madaxtooyada Somaliland iyo saxaafadda Madaxa banaan ee Somaliland. Warsaxaafadeedka SSJW ee uu ku saxeexan yaahy Afhayeenka ururkaasi Maxamed Ibraahim Sagax waxa uu u dhignaa sidan: “Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee (SSJW) ayaa si kulul u cambeereeyey ficilka foosha xun ee uu Afhayeenka Madaxweyne Siilaanyo Caadaystay ee saxaafadii dalka ugu ogolaan waayey xaqii ay u lahaayeen inay su’aalo waydiiyaan Madaxweynaha, taas oo aanu u aragno ficilka foosha xun ee u dambeeyey ee maalintii shalay uu Afhayeenka Madaxtooyadu Axmed Saleebaan Dhuxul ay kaga hor joogsaday suxufiyiinta diyaarka u ahayd inay Madaxweynaha wax ka waydiiyaan socdaalkiisii taas oo habkii ay u dhaqmeen ay gaf iyo meel ka dhacba ku tahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ah hogaamiye si dimuqraadi ah lagu soo doortay. Isla markaana ay si anshax xumo ah ay madaxweyne Siilaanyo uga garbaduubeen saxaafadii taas oo ururka SSJW u arko mid si dhab ah usoo bandhigtay tuhunadii madaxweyne Siilaanyo ee ahaa inaanu talada hogaaminta dadka iyo dalka aanu gacanta ku haynin isla markaana aanu tahli karaynin inuu jawaabo ka bixiyo su’aalo saxaafadu waydiiso. Sidaa darteen waxa ururka SSJW uu ugu baaqayaa inuu si dhakhso ah madaxweyne Siilaanyo uga bixiyo raaligalin habdhaqanada guracan ee masuuliyiinta ku xeerani kula kaceen saxafiyiintii diyaarka u ahaa inay su’aalo waydiiyaan taas oo aanu u aragno in arintaasi ay daaha ka qaaday tuhuno badan oo Afhayeenku uu colaad kala dhex dhigayo Saxaafada iyo Madaxweyne Siilaanyo”.
Maxamed Ibraahim Sagax,
Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee SSJW