Hargeysa(Hubaal) Shirweynihii Shannaad ee Uurka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa Maanta iska Dhexdoortay hogaan Cusub, waxanay Guddoomiye cusub u doorteen Maxamuud Cabdi Jamaac (Xuuto), Guddoomiye Ku-xigeena Waxay u Doorteen Keyse Axmed Digaale, Xog-hayaha Guud Waxa loo doortay Xusseen Kurdi. Waxa kale oo Shirkaasi lagu doortay 15 Xubnood oo ah Guddida Fulinta ee ururka SOLJA kuwaasi oo laga sii dhexdoortay Guddoomiyaha iyo Ku-xigenkiisa iyo Xog-hayaha.
Munaasibadan oo ahayd mid si Qurux baddan loo soo agaasimay ayaa waxa lagu Qabtay hotel Ambasadoor, Waxa Munaasibadaasi xilka ku wareejiyey Hogaankii hore ee Ururka Solja oo uu hogaaminayey Xassan Maxamed Yuusuf.
Guddoomiyihii Hore ee ururka SOLJA Xassan Maxamed Yuusuf oo Shirweynihaasi ka hadlay ayaa waxanu u mahad celiyey hoogaanka cusub ee la doortay
Shirweynahan ayaa socday muddo 10 Sacadood ka baddan waxana gabogabii lagu doortay hogaanka cusub ee ururkaasi.
Guddoomiyaha cusub ee SOLJA Maxmauud cabdi jaamac (Xuuto) ayaa ka hadlay Munasibadaasi waxanu mahad celiyey dhammaan suxufiyiintii kala duwan ee Doortay waxnau balan qaaday in wax baddan uu qabban doono