Ururrada Jaalliyadaha Ee Qaaradda Yurub Oo Ka Digay Cidhib-xumo Kusoo Fool Leh Isku-xidh-naantii Qurbejooga Iyo Nuxurka Qeylo-dhaan Ay Cannaani Weheliso Oo Ay Xukuumadda U Soo Direen

0
34

Waxaa Ay Quus Ka Muujiyeen Cabashooyin Ay  U Soo Gudbiyeen Wasiirka Khaarijiga Oo Aanay Wax Natiijo Ahi Kaga Soo noqon

Petition-ka Aqoonsiga Somaliland ee La Hor Keenay Baarlamaanka UK Oo saxeexiisu Socday Lix Bilood,  Dabayaaqada Bishanna Dhacaya ayaa Ka Mid Ah Cidhib-xumooyin Ay Qurbejoogu Ku Eedeeyeen Guddoomiyaha Wakaallada Qurbejooga JSL

wasiir-sacad-iyo-guddoomiyaha-qurbejooga

Denmark (Hubaal)- Qurbejooga reer Somaliland ee ku dhaqan wadammada qaaradda Yurub ayaa qaylo dhaan ay xukuumadda Somaliland u  soo direen ku eedeeyey wakaalladda Qurbejooga Somaliland oo ay sheegeen in shaqadii ay qaranka u qaabilsanayd mid aan ahayn ka dhex bilowday jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan wadammada qaaradda Yurub.

Qaar kamid ah jaalliyadaha reer Somaliland ee wadammadaasi ayaa  ka digay cidhib xumada kasoo socota dhaqdhaqaaqyada Guddoomiyaha Wakaallada Qurbejooga Somaliland Md. Cabdi Cabdillaahi  Xirsi (Dayax Weerar) oo mudadii uu xilka hayay ay ku eedeeyeen in uu kala qaybin iyo cunfi ka dhex wado ururrada jaalliyaduhu leeyihiin ee   ka jira dalalkaasi  . Guddoomiyaha Wakaallada Qurbejooga ayaa  jaallayaduhu ku tilmaameen in safarro kala duwan  oo mudadii uu xilka hayay ku maray dalalka Yurub uu naxli kala dhex dhigay isla markaana safarradiisu ay jawr fal dhaxalsiiyeen  isku xidhkii jaalliyadaha, waxaanay sheegeen in Masuulkan oo ay ha’addiisu hoostagto wasaaradad arrimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland ay marar badan  uga dacwoodeen kala qaybiintiisa isla markaana cabashooyin ka dhan ah hoggaamintiisa u gudbiyeen masuuliyiinta ugu sarraysa wasaarada khaarijiga Somaliland, kuwaas oo uu kow ka yahay wasiirka wasaaraddaasi Dr. Sacad Cali Shire, hase yeeeshee aanay wax natiijo ah kala kulmin cabashadooda, kadib markii ay hungo madhan kala soo noqdeen wasiir Sacad. Xubnahanoo xalay  xidhiidho kala duwan la soo sameeyey wargeyska HUBAAL waxaa ay sheegeen in ay cabsi weyn ka qabaan burbur ku yimaada wada shaqayntii iyo isku xidhnaanshihii jaalliyada qurbejooga ee dalalkaasi, iyaga oo quus ka muujiyey tallaabadii ay ka filayeen in ay wax kaga qabato wasaaradda khaarijigu. “ Guddoomiyaha    Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi (Dayaxweerar) intii  la  magacaabay   wuxuu  yurub  ku yimi   safaro  isdaba   joog ah   oo  lacag  badani  ku  baxday    waxaanu  kala  qaybiyey   wadankasta   oo  yurub  ah  jaaliaydiihiisii, isaga oo  magacaabay   guddiyo   uu  ku  sheegay  ictiraaf  raadin isla    markaana   wuxuu   xushay  dad   uu   filayey  iney  isaga  dantiisa   u  oofinyaan  mana  jirto  guddi  ictiraaf  raadin  ah  oo shaqaysay”. Sidaa waxa ayidhi mid kamid ah hoggaanka ururrada jaalliyadaha Somaliland oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, waxaanu intaa ku daray “ Guddoomiye DAYAX WEERAR  waxaa uu  jaaliyada  waydiiyaa  dhaqaale  waxaanu   qaar badan   ugu  hanjabay  in  uu  mashruucyada  ay  somaliland  keenaan  ka  joojin  doono  haday  lacagta  isaga  soo  marin waayaan      qaar  kalan  wuxuu  ku  xujeeyey  inay   guri u  dhisaan. runtii   dhibaatooyin  furfurka  jaaliyada  waxaa  ugu  wayn  kala  qaybinta  jaaliyada   London    iyo  Uk  guud  ahaanba      oo  dhaawacii  soo  gaadhay  dartii    dadka    reer    somaliland  somaliland     petition -kii  xildhibaannada  baarlamaanka   UK   ka   tirsan oo saxeexiisu      dhaafi  waayey   3500  halkii laga doonayay 10 kun oo cod inay saxeexaan, Petitionkani waxaa uu dhacayaa   23  November   waxaanu  socday   lix bilood. Sidaasi oo kale hagar daamooyinka uu guddomiyaha Wakaallada Qurbejoogu ku hayo qaranka waxaa kamid ah     meelaha   uu  dhibaatooyinka  ka  gaystay       Holland ,  Sweden ,France    iyo  Denmark   oo   oo  uu  qadiyadii  Somaliland    kula  shuraakoobay  dad   somaliweyn ku  xidhan. Ayaandarrada intaas oo  dhan nagaga xun waxaa ay tahay cabashooyinkii iyo dacwadihii aanu u gudbinay wasaarada khaarijigu wax alla wax nagaga soo noqday ma jirto. Weliba tallaabadii aanu filaynay in wasiirka hadda xilka haya ee arrimaha dibadu ka qaado ninkani may dhicin, waxaaba la odhan karaa aamusnaantiisa iyo jawaab la’aanta cabashooyinkayagu waxaa ay dhiirgelisay kalsoonina siisay guddoomiyaha aan ka dacwoonaynay. Haddaba   iyo  iyada   oo  waxaas  oo   dhibaata  ahi  jiraan     ayaa  markii  loo dacwooady  wasiirka  arimaha  debeda    halkuu  wax   ka  qaban  lahaa   ayaa  wasiir  Sacad   hadda   safar   uu  ugu  soo  baxay  isaga   iyo   gudoomiyaha  qurbajoogu   waxaana  cad    in  ay  Yurub   uga  diyaar  garoobayaan   dadkii  uu  sii  samaystay   gudoomiyaha  qurbajoogu  isla  iyo  markaana   aany   muuqan  in uu  wasiir   Sacad     wax   ka  qabtay  waayo  dadka  u  qabanqaabinaya  soo  dhawayn  shiraarka  waa  dadkii  amaba  adeegayaashii    gudoomiyaha  qurbajooga   kuwaas   oo intoo badani  tahay dad  ku  milmay  somaliweyn  isla  iyo  markaana  erya  mashruucyada   kana  raadsada   hadba  halkii  mashruucaasi  la  galo  ama  somaliland  amaba  Somaliweyn   wasaaeadii  arimaha  debaduna  waxay  noqotay  NGO”. Ayuu yidhi masuulkani.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here