Waxaa Ay Quus Ka Muujiyeen Cabashooyin Ay U Soo Gudbiyeen Wasiirka Khaarijiga Oo Aanay Wax Natiijo Ahi Kaga Soo noqon
Petition-ka Aqoonsiga Somaliland ee La Hor Keenay Baarlamaanka UK Oo saxeexiisu Socday Lix Bilood, Dabayaaqada Bishanna Dhacaya ayaa Ka Mid Ah Cidhib-xumooyin Ay Qurbejoogu Ku Eedeeyeen Guddoomiyaha Wakaallada Qurbejooga JSL
Denmark (Hubaal)- Qurbejooga reer Somaliland ee ku dhaqan wadammada qaaradda Yurub ayaa qaylo dhaan ay xukuumadda Somaliland u soo direen ku eedeeyey wakaalladda Qurbejooga Somaliland oo ay sheegeen in shaqadii ay qaranka u qaabilsanayd mid aan ahayn ka dhex bilowday jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan wadammada qaaradda Yurub.
Qaar kamid ah jaalliyadaha reer Somaliland ee wadammadaasi ayaa ka digay cidhib xumada kasoo socota dhaqdhaqaaqyada Guddoomiyaha Wakaallada Qurbejooga Somaliland Md. Cabdi Cabdillaahi Xirsi (Dayax Weerar) oo mudadii uu xilka hayay ay ku eedeeyeen in uu kala qaybin iyo cunfi ka dhex wado ururrada jaalliyaduhu leeyihiin ee ka jira dalalkaasi . Guddoomiyaha Wakaallada Qurbejooga ayaa jaallayaduhu ku tilmaameen in safarro kala duwan oo mudadii uu xilka hayay ku maray dalalka Yurub uu naxli kala dhex dhigay isla markaana safarradiisu ay jawr fal dhaxalsiiyeen isku xidhkii jaalliyadaha, waxaanay sheegeen in Masuulkan oo ay ha’addiisu hoostagto wasaaradad arrimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland ay marar badan uga dacwoodeen kala qaybiintiisa isla markaana cabashooyin ka dhan ah hoggaamintiisa u gudbiyeen masuuliyiinta ugu sarraysa wasaarada khaarijiga Somaliland, kuwaas oo uu kow ka yahay wasiirka wasaaraddaasi Dr. Sacad Cali Shire, hase yeeeshee aanay wax natiijo ah kala kulmin cabashadooda, kadib markii ay hungo madhan kala soo noqdeen wasiir Sacad. Xubnahanoo xalay xidhiidho kala duwan la soo sameeyey wargeyska HUBAAL waxaa ay sheegeen in ay cabsi weyn ka qabaan burbur ku yimaada wada shaqayntii iyo isku xidhnaanshihii jaalliyada qurbejooga ee dalalkaasi, iyaga oo quus ka muujiyey tallaabadii ay ka filayeen in ay wax kaga qabato wasaaradda khaarijigu. “ Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi (Dayaxweerar) intii la magacaabay wuxuu yurub ku yimi safaro isdaba joog ah oo lacag badani ku baxday waxaanu kala qaybiyey wadankasta oo yurub ah jaaliaydiihiisii, isaga oo magacaabay guddiyo uu ku sheegay ictiraaf raadin isla markaana wuxuu xushay dad uu filayey iney isaga dantiisa u oofinyaan mana jirto guddi ictiraaf raadin ah oo shaqaysay”. Sidaa waxa ayidhi mid kamid ah hoggaanka ururrada jaalliyadaha Somaliland oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, waxaanu intaa ku daray
“ Guddoomiye DAYAX WEERAR waxaa uu jaaliyada waydiiyaa dhaqaale waxaanu qaar badan ugu hanjabay in uu mashruucyada ay somaliland keenaan ka joojin doono haday lacagta isaga soo marin waayaan qaar kalan wuxuu ku xujeeyey inay guri u dhisaan. runtii dhibaatooyin furfurka jaaliyada waxaa ugu wayn kala qaybinta jaaliyada London iyo Uk guud ahaanba oo dhaawacii soo gaadhay dartii dadka reer somaliland somaliland petition -kii xildhibaannada baarlamaanka UK ka tirsan oo saxeexiisu dhaafi waayey 3500 halkii laga doonayay 10 kun oo cod inay saxeexaan, Petitionkani waxaa uu dhacayaa 23 November waxaanu socday lix bilood. Sidaasi oo kale hagar daamooyinka uu guddomiyaha Wakaallada Qurbejoogu ku hayo qaranka waxaa kamid ah meelaha uu dhibaatooyinka ka gaystay Holland , Sweden ,France iyo Denmark oo oo uu qadiyadii Somaliland kula shuraakoobay dad somaliweyn ku xidhan. Ayaandarrada intaas oo dhan nagaga xun waxaa ay tahay cabashooyinkii iyo dacwadihii aanu u gudbinay wasaarada khaarijigu wax alla wax nagaga soo noqday ma jirto. Weliba tallaabadii aanu filaynay in wasiirka hadda xilka haya ee arrimaha dibadu ka qaado ninkani may dhicin, waxaaba la odhan karaa aamusnaantiisa iyo jawaab la’aanta cabashooyinkayagu waxaa ay dhiirgelisay kalsoonina siisay guddoomiyaha aan ka dacwoonaynay. Haddaba iyo iyada oo waxaas oo dhibaata ahi jiraan ayaa markii loo dacwooady wasiirka arimaha debeda halkuu wax ka qaban lahaa ayaa wasiir Sacad hadda safar uu ugu soo baxay isaga iyo gudoomiyaha qurbajoogu waxaana cad in ay Yurub uga diyaar garoobayaan dadkii uu sii samaystay gudoomiyaha qurbajoogu isla iyo markaana aany muuqan in uu wasiir Sacad wax ka qabtay waayo dadka u qabanqaabinaya soo dhawayn shiraarka waa dadkii amaba adeegayaashii gudoomiyaha qurbajooga kuwaas oo intoo badani tahay dad ku milmay somaliweyn isla iyo markaana erya mashruucyada kana raadsada hadba halkii mashruucaasi la galo ama somaliland amaba Somaliweyn wasaaeadii arimaha debaduna waxay noqotay NGO”. Ayuu yidhi masuulkani.