HUBAAL KA DAAWO: SAWIRRADA Madaxweyne Ismaaciil Oo Meeqaam Dublamaasiyaddeed Loogu Soo Dhaweeyey Washington+Aqalka Looga Arrimiyo USA oo Baahiyey Kulan Gaar Ah oo Labada Madaxweyne Yeesheen
Washington (Hubaal/SAXAFI)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay la kulmay dhigiisa Maraykanka ee Barack Obama, kuwaas oo ka wada hadlay xidhiidhka labadda dawladood iyo sidii ay isku kaashan lahaa.
Kulanka labada madaxweyne oo ka qabsoomay Guriga Cad ee looga arrmiyo dalka Marayakanka ayaa waxa ay isku soo qaadeen sii xoojinta xidhiidhka labada wadan.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahad celiyay Obama Sida fiican ee uu ugu qaabilay Dalka Maraykanka, waxaanu ka codsaday in uu wax kala qabto baahiyaadka dalkiisa iyo waliba dalka ay jaarka yihiin ee Soomaaliya.
Dhinaca kale, madaxweyne Obama ayaa sheegay in ay dawladiisu la shaqayn doonto Jamhuuriyadda Djabouti.
Sidoo kale, waxa uu xusay in ciidamada Dalka Maraykanka ka jooga Djabouti ay sii joogi doonaan.
Dawlada Maraykanka ayaa waxa dalka Djabouti ka jooga ciidamaddii ugu badnaa ee Geeska Afrika ka yimaada dalka Maraykanka, waxaanay inta badan la socdaan dhaqdhaqaaqa mandaqada Geeska Afrika