Hargaysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Muuse Qaasim iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Mawliid Maxamuud Ibraahim, ayaa ka warramay natiijada iyo faa’iidada uga soo baxday Somaliland shir caalami ah oo ay kaga qaybgaleen dalka Turkiga.
Labada wasiir oo madaarka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa warbaahinta kula hadlay waxay sheegeen in shirkan oo ah mid maalgashi sannad walba meel dunida lagaga qabto lagaga hadlayey soo saarista khayraadka aan weli lala soo bixin iyo isdhexgalka si looga wada faa’iidaysto, isla markaana muddo laba maalmood ah oo uu socday ay uga faa’iidaysteen inay shirkado iyo dad badan oo kale ka dhaadhiciyaan Somaliland iyo khayraadka ku duuggan.