Garsoorayaasha Shaqada Ka Dareeray Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Inay Shaqadooda Farogelisay, caddaalad-darrona tisaday.
Hoggaanka Bahda Caddaaladda Dalka Oo Afka Ka Xidhay Ka-hadalka Jaah-wareerka Ka Taagaan Maxkamadaha Gobollada Awdal Iyo Salel Oo Shaqo Ka-tegis Isku Bahaystay
Hargeysa:(Hubaal)-weli waxa tusbax furtay ah oo sii socda is-casilaadaha ay shaacinayaan xubno miisaan leh oo katirsan bahda caddaalada ee gobollada Awdal iyo Salel, waxana shalay oo Jimce ahayd si rasmi ah shaqooyinkii ay qaranka u hayeen iskaga casilay Afar katirsan garsoorayaasha gobolladaas oo caddaalad-darro u nisbeeyey is-casilaadooda.
Garsoorayaashan oo katirsan maxkamadaha kala duwan ee degmooyinka Borama, Saylac iyo Dila oo uu wehelinayo guddoomiyihii maxkamadda rafcaanka ee gobolalladaas, ayaa si wada-jir ah shir jaraa’id oo ay Borama ugu qabteen ku shaaciyey inay shaqooyinka ka dhaqaaqeen, waxana ay sababta ku sheegeen madax bannaaani la’aan iyo jawi habacsanaan oo ah oo aan lagu sii shaqayn Karin oo ay bahda caddaalada kala kulmeen.
Garsoorayaashan oo aanay noo suuro gelin inaan magacyadooda wada helno, ayaa warbaahinta u sheegay in bahda caddaaladda ay kala kulmeen camaalaq badan iyo farogelin ay xilmaameen inay dhinaca xukuumadda kaga timi, waxana ay si wada jir ah hoosta uga xarriiqeen inay go’aansadeen inay shaqada garsoorka ka rugsaystaan, halka uu guddoomiyihii hore ee maxkamadda rafcaanka gobollada Awdal iyo Salel Md. Idiris Faarax Muuse oo isagu halkaas ka sheegay inuu gebi ahaanba iskaga baxay bahda garsoorka.
Garsoorayaashan oo dhammaantood ahaa dhallinyaro gobolkaas muddo kasoo shaqaynaysay, ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay farogelin ku hayso garsoorka, “waxan caddaynayaa inaan iska casilayo xilkii garsoorenimo ee maxkamadda gobolka Salel, maadaama ay garsoorkii soo dhex gashay kalsooni darro, iyo xukuumaddii oo farogelin xooggan ku haysa oo aanu ka ilaalin kari weynay inaanu caddaalada sugno” ayuu yidhi xubin kamid ah garsoorayaasha iscasilay.
Garsoore katirsanaa maxkamadda degmada Dila oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa carrabka ku ballaadhiyey in garsoorka dalku cid gaar ah duminayo, cid kalen dhisayo, waxana uu yidhi, “xilkii garsoorka waan iska casilay, kadib markii aan ogaaday inaan lala sii shaqayn Karin garsoorkii dalka waxana dhacday in garsoorkii dalka cidna lagu dhisayo, cidna lagu duminayo.”
Bulshada ayaa si weyn isha ugu haysa virus-ka cusub ee dhexgalay bahda garsoorka ee gobollada galbeedka dalka, waxana weli la isweydiinayaa sababta keentay is-casilaadahan karkaarrada jebiyey ee ay ku dhawaaqeen garsoorayaashii shaqada loo igmaday.
Bahda caddaaladda waddanka, ayaa iyagu weli wax war ah kasoo saarin is-casilaadaha iyo cabashooyinka isbarkan ee kasoo yeedhaya garsoorayaasha iyo madaxda caddaaladda ee gobollada Galbeedka, waxana wararka soo baxayaa sheegayaan inay garsoorayaasha iscasilay iyo xukuumaddu isku afgaran waayeen kiisas dhawr ah oo goobaha ay ka garsooraan ka dhacay, kuwaas oo laga codsaday inay tanaasulaad ka muujiyaan xukunnada ay kasoo saarayaan.