W/Q: Dr. Fu’aad Cabdisalaan Xasan
Sabtidii waxay aheyd maalin fajac iyo amakaag ku noqotay shacabka somaliland, Ka dib fal foolxumadiisa lihi uu dhex maray shir gudoonka golaha wakiillad Somaliland [Guddoomiye Cirro iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa 1aad Mr. Baashe], Falkaas oo ka dhacay xarunta golaha wakiillada waxay sharaf dhac iyo Karaamo xumo ku aheyd Sumcad iyo higsiga Qaranimada Somaliland, shir gudoonka goluhu wuxuu ixtiraami waayey Codka lagu soo doortay ee ay shacabka ku metelaan, waana wax lagu xumaado in maanta umadda hortooda loogu soo badheedho in lala wareego ama cid gaar ah kooto loogu xidho hantida qarankan ee lama taabtanka ah. Shacabka waxaa la gudboon in ay ka midoobaan sidii looga hortagi lahaa loona ilaalin lahaa Haamaha shidaalka berbera kaas oo mooshinkodu sababay falkan foosha xun ee ka dhacay xarunta golaha wakiiladda. Waxaan u hambelyeynayaa xildhibada ka dhiidhiyey kana xishoodey in ay noqdaan calooshada u shaqeystayaal abaal lawayaal ah, Codkoodana uu hago shilimaan kooban. Kama danbeystii, Waxaan cod dheer ugu baaqaynaa shirkadaha u soo tafoxeytey la wareegida haamaha shiidalka in ay ka waantooban in dalkan khalkhal ku galiyaan danahooda macaash doonimo qaranka somalilans, hadii hore xukumadu ugu balanqaadeyna xalka kale ku raadiyaan wixii ay xaq u leeyihiin. Xildhibanadana waxaa la gudboon ilaalinta sumcada qaranka iyo shacabkooda, Si gaar ah shir gudoonka golaha wakiiladda Waxaa saaran xil gaar ah waana tiirarka qaranka, ha ka waantoobeen ficilada la mid ah kan dhacay oo kale.
Waad mahadsantihin
Dr. Fu’aad Cabdisalaam Xasan
Siyaasi Madax Banaan