“Waa’ Baa Beryay, Bilicsan; Arooryo Baxsan, Maalin Boqran!”

0
268

Weedha Wargeyska

Saxalkii Baxyoo Samaatay!!

“Waa’ Baa Beryay, Bilicsan; Arooryo Baxsan, Maalin Boqran!”

Tan intii duhurkii shalay ay tusbax furtay noqdeen xubnaha Golaha wasiirrada ku jira ee ku hawllanaa mijo-xaabinta Siyaasadda Madaxweynaha, ayaa waxa shacabku si weyn u qaadaa dhigayeen iscasilaadaas, waxana ay ka bixinayeen aragtiyo isku dhaw oo ay ku muujinayaan sida ay ula dhacsan yihiin Xubnaha ka siibtay doonta uu naakhuudaha ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo oo loo arko qaar dheeraad ku ahaa, isla-markaana wiiqayey wada-shaqaynta xukuumadda.Hubaal-Logo1

Goobaha shacabku ku kulmaan iyo waliba Baraha xidhiidhka Bulshada ayaa  shacabku si weyn ugu soo bandhigayeen aragiyahahooda la xidhiidha xubnaha iscasilay, waxana ka muuqatay in intooda badani soo dhaweynayaan sida wax u dhaceen.

Dadku waxa ay ka midaysnaayeen in dhammaanba xubnaha xukuumadda ka baxay aanay ahayn qaar xukuumaddu u liicayso ama la tebi doono,  iyagoo muujiyey inay  u badnaayeen xubno danaystayaal ah, isla-markaana hoosta ka watay ujeeddooyin aanu madaxweynuhu la ogayn oo wiiqaya habsami-u-socodka xukuumadda.

Waxa sidoo kale aragtiyaha dadweynaha shalay ilaa xalay laga dheehan karayey in xubnaha iscasilay ubadan yihiin xubno si hoose isugu bahaystay inay xukuumadda ka dhex abuuraan kudlad isku xidhan oo si wada jir ah u meelmarsata ujeeddooyinkooda, isla-markaana samaystay isku xidh adag oo  u abaabulan gaadhitaanka yool ka baxsan midka madaxweynuhu jeexay xukuumadda uu hoggaamiyo.

Xubnaha is-casilay, ayaa dadka intooda badan ula muuqday kuwo bixitaankoodu dhaliyey inay xukuumaddu saxal baxdo, isla-markaana ay goobta kusoo hadhaan masuuliyiin xul ah oo ku midaysan inay madaxweynaha siyaasadiisa ku shaqeeyaan.

Waxyaabaha kale ee Aragtida dadka ee la xidhiidha Xubnaha xukuumadda ka baxay ka muuqday,  ayaa waxa kamid ahaa inay xubnahaasi ahaayeen qaar ujeeddadoodu tahay inay burush madow mariyaan madaxweynaha taariikhdiisa dambe, isla-markaana u qariyaan dabinno badan oo siyaasadeed, waxana waxyaabaha la xusay kamid ahaa inay ahaayeen xubnihii madaxweynaha ku riixay inuu aqbalo muddo-kordhin lagu sameeyo  muddo-xileediisa, xilli uu hore u ballan qaaday inaan wakhtigiisa waxba loogu dari doonin.

Saxal-baxa ku dhacay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa soo dhaweyn yaab leh ka helay shacabka, waxana sacab-tunkiisa laga dareemay gudaha iyo dibaddaba, iyadoo wararka naga soo gaadhaya dalka dibaddiisu sheegayaan tallaabada madaxweynuhu  ka qaatay xubnahaas baxay soo dhaweyn badan heshay.

Shuushka ka duulay xukuumadda iyo xubnaha isku aragtida ahaa ee Meesha ka baxay, ayaa dhammaantood waxa loo arkaa qaar nafla caari meesha uga baxay, isla-markaana liqi kari waayey aqbalaadda soo jeedinta madaxweynaha, iskana diiday inay amarkiisa qaataan.

 Lama filayo inay xubno dambe iska casilaan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, maadaama Xubnihii is-casilay aanay wax soo dhaweyn ah ka helin Ra’yi caamka Bulshada Reer Somaliland, isla-markaana intooda badani ku jirto isciil kaambi iyo murugo badan. Iyagoo isku arka inay qaateen Go’aano cid kale kasoo talisay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here