“Waa Ballan inay Somaliland Meel Ala Meeshii Fidno Kaga Timaado, Qardho Ha Noqoto Ama Isku-Shuban ama Xaafuun e’ ay Jawaab Adag Ka Bixin doonto”

0
12

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Oo jawaab ka bixiyey hadalkii Madaxweyne Deni, Kuna Eedeeyay Maamu-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland Inay Ururinayso Fidnowadeyaal ay ku carqaldaynayso deegaannada gobolka Sanaag

Hargeysa (Hubaal)– Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul ugu jawaabtay Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ku eedeeyay Somaliland inay wado duulaan ay ku qaadayso deegaanka Puntland. Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar, ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonnaan Jabhadda Korneyl Caarre oo Puntland ku eedeeyay inay taageerayso.

Ciise Axmed Xawar oo shalay u waramayay warbaahinta qaar, ayaa sheegay in Somaliland aanay marnaba gardaraysanaynin dalalka ay deriska yihiin. “Ciidan Somaliland ah oo xuduudaha Puntland ku xadgudbay ama dhibaato ka sameeyay ma jirto. Madaxweyne Deni isagaa caddayn doona warkaasi.” Ayuu yidhi wasiirku

Waxa uu ku eedeeyay dawladda Puntland inay maleeshiyo ku ururinayso deegaannadooda qaar oo ay Somaliland carqaladaynayaan, waxaanu wasiirku sheegay in ciidamada qaranku ku sugan yihiin deegaan kasta oo ka tirsan Somaliland, isla markaasina diyaar u yihiin inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo  fidno wada.

Wasiirku isagoo arrimahasi ka hadlayana waxa uu yidhi; “Puntland waxa la ogyahay inay maleeshiyaad fidnooleyaal ah oo isku urursanayay deegaankooda oo magaalada Qardho iyo nawaaxigeeda maleeshiyaad dhib iyo rabshad ka wada deegaanka Sanaag mudadii la soo dhaafay inay jiraan, waxaana xaqiiq ah in deegaankaasu ahaa deegaanka Somaliland ugu nabdoon,  fidno waxa ugu horreeyay, nimankaa ay Puntland ururinayso ee ay magangalyada ku siisay deegaamadooda ee dhibaataynaya dadka Somaliland ee gobolka Sanaag. Somaliland-na waa ku waajib inay jawaab ka bixiso meel kasta oo deegaankeeda ka mid ah ee shacabkeeda laga soo hujuumo, dhibaatada halkaasi ka socotana soo afjarto. Yubbe waa degmo ka tirsan gobolka Sanaag oo ka mid ah Somaliland, waxaa ka shisheeya oo Somaliland ah gobolka Badhan, ciidamono waa la gayn karaa, sababta aannu u gaynay ciidamaduna waxay tahay, in maalmihii la soo dhaafay maleeshiyaadkaa ninka Caarre la yidhaa wato, inuu deegaamadaasi yimid si uu u dhibaateeyo shacabka, markii ay ciidamada qaranku yimaadeena uu ka baxsaday oo ay baacsadeen. Waxan u dheegayaa madaxweynaha Puntland, Somaliland marna u dulqaadan mayso jabhadaa ay ku ururinayaan Qardho, waxaanan ballan ah Somaliland meel ala meeshii fidno kaga soo timaado ama Qardho ha noqoto ama Isku-shuban ha ahaatee inay jawaab adag ka bixiso oo ciidanka qaranku diyaar u yahay difaaca dalka.”

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Somaliland ciidamo farabadan oo Millateri ah ay geysay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, Ciidamadaas ay Somaliland geysay deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa digniin ka soo saaray Maamulka Puntland, waxana Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu sheegay in Somaliland ay markale wado duulaan ay ku soo qaadeyso deegaanada Puntland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here