Aqoonyahan Maxamed Baashe X Xasan
Lonodn (Hubaal)- Qoraaga Caanka Ah ee reer Somaliland Mr. Maxamed Baashe Xaaji Xasan ayaa ka hadlay qaddiyada maalmihii u dembeeyey ka dhex oogan saaxadda Siyaasadda Somaliland ee ku dhereran Sir faafiyaha Wikileaks. Maxamed Baashe Oo Qoraal kooban ku baahiyey bogga uu degelka xidhiidhka Bulshada ee Face book-ga ku leeyahay oo uu ciinwaan uga dhigay “Been ciddii abuurta Alle calaamo ha ka ifiyo. Waa bil Ramadaan ee mar kale Alle calaamo iyo canbaar ha ka ifiyo” waxa uu ku bilaabay “Qofka la masabido ee laga been abuuraa isaga ajar baa loo shaqeeyey. Mas’uuliyiinta waa lagu dhalliili karaa xilka iyo hawsha ay ummadda u hayaan haddii uu saluug yimaaddo, hase yeeshee waa foolxumadii foolxumooyinka iyo liidashoo dhan in been waaqan iyo waxaanay odhan la faafiyo. Waa fitno iyo naxli. Sidaas si la mid ah ayaanay liidasho kale u tahay in mas’uuliyiintu na been sheegaan. Beentu way dheeraysaa, ma se raaqraaqdo oo ma riiq dheeraato. Lug keliya ayay leedahay oo marka la qabtaa bay “Koongo u booddaa!”kkkkk. Waa halkii sheekadii ninkii mushakiga ahaa ee reer Burco eh. Alle ha naga dhaafo wixii muddarro ah ee naga dhacay, dhankii ay doonaan ba ha noo la dillaanto eh. Saxaafaddii baa gabbal u dhacay haddii runteedii beenteedii ka qaalib noqotay. Waa halkii Shimbirtii Oodweyne iyo qaadwalihiiye: Weriyow hodhodho, yaa kaa iibsan, yaa kaa iibsan, yaa kaa iibsan, ayaannu odhan hadduu noo keeni waayo caddaymo faydaya runta wixii uu sheegay ee lagu beeniyey!”