Wasiir Jaamac Cabdillaahi Biin
Hargeysa (Hubaal) – “Warkaasi waa dhab oo waanu xidhnay xafiiskaasi shaambadihiina gacantayda ayaan kaga soo qaaday kadib markiia y u hoggaansami waayeen qaanuunka” sidaas waxa yidhi wasiir kux igeenka maamulka gobollada yo degmooyinka ee wasaaradda daakhiliga Jaamac Cabdillaahi Biin oo shalay ka hadlay amar uu dhawaan ku qufulay xafiiskii guddida ka gar naqa dacwadaha dhulka gobolka Maroodijeex kadib markii ay xukun kasoo saareen beer ay leeyihiin agoontii guddoomiyihii u horreeyey ee SNM Muj. Axmed Jimcaale Guulleed, beertaas oo ay ubadkiisii dhaxleen balse dhawaan ay xukuumaddu hawlgal ugu fulisay dacwaysaneyaal agoonta kula muransanaa dhulkaas. Jaamac CAbdillaah Biin wasiir ku xigeenka maamulka gobolada iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha oo daba socday war ku soo baxay cadadkii shalay ee wargeyska HUBAAL kaasi oo ku saabsanaa amarka uu ku qufulay xafiiskan iyo qaar kamid ah qalabkii yaallay oo uu qaatay isla makraana xabsiga u taxaabay hawl wadeeno xafiiskaasi ka tirsanaa waxaa mar shalay uu weriye Khadar Macalin Deeq oo BULSHO TV ka tirsani xafiiskiisa ku booqday Wasiir Biin isla markaana wax ka weydiiyey qaddiya amarkaasi albaabada loogu laabay xafiiska guddida ka garnaqa dacwadaha waxaa uu Wasiirku yidh “ waxaa halkan ku cad wareegto wasiirku qoray oo aanu xaq ugu leennahay in shanta wasaaradood noo keenaan xubnahooda naanu digreeto wasaaradeed kusoo saarno guddida loo yaqaanno ka garnaqa dacwadaha dhulka, waayo magacaabista iyo shaqo ka joojinta iyo xil ka qaadistana annaga ayaa sharci u leh”. Ayuuyidhi Wasiir Biin, waxaanu intaa ku daray mar wax laga weydiiyey sababta albaabada ugu xidheen xafiiskan “sababta aanu shaqada uga joojinay ee aanu u xidhnay waxay tahay shaqdii baa ka dhammaatay haddii cid la badalana awood fulineed ma laha sidaas darted waxaanu nidhi bal wax dambeoo aad qabataan ma jiree dukumentiga aad haysaan xafida intaanu cid keenayno laakiin tii may yeelin waxay sameeyeen dacwadihii hore ee ay ka garnaqayeen daayoo kuwo cusub oo kale ayay yidhaahdeen keena intay suuqa galeen”. Geesta kale xildhibaannada golaha deegaanka Caasimada qaarkood oo shalay iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u naqdiyey amarka wasiir Biin oo ay ku tilmaameen mid sharciga baal marsan.
Xildhibaa Ilyaas Xuseen oo isagu xubin ka ah guddida uu Wasiirku Xafiiska ka xidhay oo ay weheliyeen xildhibaano kale oo ay Maxamed Aw Aadan Weyrax Iyo Abdilaahi Aw Aadan Ka Midyihiin oo arrintan k a hadlay ayaa nasiib darro kutilmaamay dhinacooda in wasiirku uu gacanta ku fushado sharciyadii dalka u taallay.