Xukuumadda Biixi oo La Il-daran $80 Milyan Oo Deyn Ah oo ay ka dhaxashay xukuumaddii Siilaanyo
Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta hortegay guddida dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiillada, waxaana ay ka wadahadleen xisaab-xidhka miisaaniyaddii sanadkii 2017.
Kulankan oo ay warbaahintu dibedda ka joogtay, ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta la hadlay, isla markaana ka warbixiyay waxyaabaha laga wadahadlay, guddoomiyaha guddida dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiillada Ibraahin Mahdi Buubaa, waxaana uu sheegay in xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ay la daalaadhacayso lacag gaadhaysa $80 Milyan oo deyn ah oo ka dhaxleen xukuumaddii Siilaanyo.
“Xukuumaddu Waxay La ildarantahay 80$Milyan oo Deyn ah” ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa
Geesta kale Samsam Cabdi Aadan, wasiirkii hore maaliyadda ee xukuumaddii Siilaanyo oo xiligii ay xilka wareejinaysay ku faantay inaanay jirin wax deyn ah oo wareejinayso, ayaa hadalka wasiirka maaliyadda iyo ka guddida dabagalka ee la xidhiidha deynta $ 80 milyan, ku tilmaantay wax aan caqligal ahayn. “Macquul maaha $80 Milyan oo Deyn ah ” ayay tidhi Wasiir Samsam