Waa In Wax Laga Qabto Tacaddiga Ciidanka Booliska Somaliland‏- Qalinkii: Cabdiraxman Maxamed

0
25

Muddoyinkii dambe waxaa Somaliland ku so kordhayay dhaqan xun oo ammaan darro ah waxaa dhacday in dhawrkii bilood ee u dambeeyay ay ka dhaceen dilalkii ugu badnaa ee Somaliland ka dhaca taas oo ay laayeen  ciidanka policka Somaliland si toos ah iyo si dadbanba  u dileen iyado qaar badanna la garanayn cid dishayba.

Haddaba meeye dadkii ammaanka ka masuulka ahaa sida wasaaradda arrimaha gudaha, taliskii ciidankii booliska iyo haayaddii sirdoonka ama nabadsugiddii?

Waa maxay sababta ugu weyn ee ciidanka booliska Somaliland u toogtaan dadka shacabka? Sababta ugu weyni waxay tahay dad ciidanka laga mamnuucay xilligii General Saqadhi taliyaha booliska ahaa oo Fadal dib ugu so celiyay,policka oo lugu tababarin xuquuda shacabku kuleyay aqoon daro guud oo palicka haysata,sida darteed ciidanka policka waxay hoos tagaan wasarada arimaha gudaha wasaaradu waxay xaq uleeday inay hoos u eegto shaqada policka markay falal khaldan ku kacaan, waa in ay hubisaa waxa waxan keenaya oo madaxda policka kala xisaab tamaan qaladaadka ay galayaan policku,waa in ay kor meertaa dhammaan saldhigyada policka maan arag wali iyagoo saldhig booqdeen madaxda wasaaradda arrimaha guduhu,waxaa loo baahanyay in ay iyana doorkooda ciyaraan nabadsugiddu ama sirdoonka qaranku marka arkaan falal noocan oo kala ah oo waliba ay farta ku fiqaan cidda shaqadeedii ka soo bixi wayday, iyadoo warbixin qoraal ah ayay madaxwayneha u gudbinayaan si madaxwaynuhuna tallaabo uga qaado,waxaynu ognay in sumcadda kaliya ee Somaliland ku fantaa ay tahay ammaanka iyo nabadda waxkale oo aynu kufaani karnaa ma jirto haddii ammanku xumado dal dunidu aqoonsatay ma nihin oo calamka si walba ula macaa milikara,waxaan ku soo koobayaa maqaalka waa in madaxda ammaanku khuseeyaa dib u qiimeeyaan arrimahaa aan kor ku xusay( re-evaluation) si looga badbaado wax dambe oo dhaca…

Wabilahi tawfiiq

Cabdiraxman maxamed

Hargeisa Somaliland

Develop05@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here