“Waa Inay Iscasilaan Sacad Iyo Saajin Kol Haddii Aanay La Xisaabtami Karayn Shirkadihii Aynu Saamiga Ku Lahayn”

0
17

Xamse Khayre Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Wax Ka Qabasho La’aanta Sicir-Bararka, laba wasiirna usoo jeediyey inay iscasilaan

Hargaysa (Hubaal): Xoghayaha ganacsiga iyo dhaqaalaha ee xisbiga WADDANI Xamse C/raxmaan Khayre, ayaa dhaliilo culus u jeediyay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi oo uu sheegay in ay ku fashilantay in ay wax ka qabato dhibaatadda sicir-bararka maciishadda oo si weyn u saameeyay bulshadda reer Somaliland.

Siyaasi Xamse Khayre, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa ku eedeeyay wasiirka ganacsiga Somaliland in aanu wax masuuliyad ah iska saarin sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda sicir-bararka maciishadda. “Dekedda Berberi way macaashtay oo annaga ayaa caddaynayna, wixii macaashka aannu ku lahayn oo ah boqlkiiba shan iyo soddon (35%) ahaa waa inay miisaaniyadda ka muuqdaan, golaha wakiilladu ha waydiiyaan wasiirka maaliyada warbixintii maaliyadeed ee waxqabad ee saamiga aynu ku leenahay dekedda.”

Waxa uu ugu baaqay wasiirrada maaliyada iyo ganacsiga inay iscasilaan, “ waa inay iscasilaan Sacad iyo Saajin, kol haddii aanay xoolaha ummadda u ilaalin karayn, kol haddii aanay la xisaabtami karayn shirkadihii aynu saamiga ku lahayn. Si gaara wasiirka ganacsiga waxaan ugu leeyahay, madaxweyne ku-xigeen baa la ii sheegay inaad ummadda ka doonaysid, nin ummadda hoggaamin kara oo naxariisteedii iyo damqashadeedii lehna ma tihid, baayac mushtari baad tahay wasiir, wali ado oaf ummadeed ku hadlaya lama arag, ganacsato mooyaane.” Ayuu yidhi Xamse Kheyre

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here