Waa Kuma Dr. Fuaad Cabdisalaan Xasan, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Kheyraadka Baddu?

0
43

2-waa-kuma-dr-fuaad-cabdisalaan-xasan-agaasimaha-guud-ee-wasaaradda-kalluumaysiga-iyo-kheyraadka-badda-jsl15 Bishii August 2016 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxaa uu Sameeyey isku Shaandheyn iyo isku Bedel Golihiisa Xukuumadda ah. Isku Shaandheyntan oo aheyd Mid Guddo Balaandhan Ayaa Waxaa Ku Jiray Saaxiibkay Fu’aad C/salam Xasan Xaaji oo Ahaa Masuulkii ugu Da’da Yaraa ee Uu Siilaanyo Magacaabo muddadii uu xilka hayey madaxweynaha aad baan ugu hambal-yaynayaa magacaabista Masuulkan.Fu’aad C/salaam Anigu Shakhsiyan Waxaan si wanaagsan isku baranay Wasaaradda Caafimaadka oo aanu ka wada hawl gali Jirnay, Isagoo Fu’aad ka Mid ahaa masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, markii dambena madax ka noqday Mashruuca hooyadda iyo Dhalaanka ee loo yaqaanay GAVI HSS.Hadii aan is dul taago intan ka hayo taariikh nololeedka Fu’aad C/salaam, Sidaan ka Daalac-day Cv-ga Fu’aad Waxaa uu ku dhashay Magaaladda Muqdisho, ka dib Dagaaladii Dalkii la isku odhan jiray Soomaliya ka dhacay Waxaa isaga iyo Familygiisu u soo Wareegeen Hargreisa Halkaas oo uu Waxbarashadiisii Malcaamadda ka bilaabay, Dugsiga Hoose iyo dhexe ee Guryo-Samo ayuu ka Baxay Sanadkii 2003kii, Ka dib Dugsiga Sarre Maxamuud Axmed cali ayuu ka dhameeyey Dugsigii Sarre 2007. Fu’aad waxaa uu galay Jaamacadda hargeisa oo kulliyadda ICT noqday dufcadii Koowaad ee lagu furay. Sanad ka dib 2008-dii Ayuu waxbarasho Jaamacadeed ka helay Dalka Sudan Magaaladda Khartoum isagoo kulliyadda Public and Environmental Health ka soo Diyaariyey Jaamacadda Al zeima Al-azhari .Shaqadiisi koowaad Waxaa uu ka bilaabay Wasaaradda Caafimaadka Soomaliland, isagoo muddo laba sanno ah ka hawl-galayey kana gaadhay Madax Mashruuc.Ka Dib Waxaa uu maamule ka noqday Hargeisa International Hospital oo ah dhakhtar cusub oo dhakhaatiir masaari ahi ka furteen hargeisa. Halkaas oo Sanad iyo Badh isagoo ka Shaqeynaya Madaxweynuhu xilkan Qaran u Magacaabay.Fu’aad Waxaa taas u dheeraa oo aan ku aqaanay Arrimaha kheyriga ah isagoo in badan ka shaqeynayey si mutadawacnimo ah ururadda kheyriga ah ee dhinaca Waxbarashadda iyo Caafimaadka.   Ugu danbeyn runtii Fu’aad C/salan xaga hawl-karnimada wax yar ka idhaahdo waa shakhsi aan ka daalin waxa uu u dhaqaaqo ilaa inta uu ka gun-gaadhayo, qab-yana kagama tago, jad-walkiisa shaqona ma buuxsamo.intaa waxa u dheer waa shakhsi wax curin-kara. Hadaan iyana wax yar ka taabto xaga dad la dhaqanka/dad dhex-galka:- Fu’aad waa shakhsi aad u dul-qaad badan, xishood badan, dhawr-san, qadariya bulshada uu la nool-yahay jecel-na caawinta dadka dan-yarta ah.waana masuul dareen wadaag dhaw la leh bulshada uu madaxda u yahay. Dr. Fu’aad waa shakhsi ku suntan hawlaha khayriga ah & kuwa samafalka ee dhinacyada Waxbarashada & Caafimaadka. Waxaan ku soo af-meerayaa qoraalkaygan in ilaahay u fududeeyo xilka qaran ee loo magacaabay.

Wabilaahi Ataw-fiiq.

Qalinkii: Gar-yaqaan Keyse Koosaar Cilmi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here