Jigjiga (Hubaal) Axmed Cabdi Sheikh Maxamed, ayaa loo magacaabay madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kadib markii Madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay. Madaxweynaha cusub ee loo magaacabay dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da, ayaa sheegay in madaxweyanaha xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay uuna badqabo. Wuxuu sidoo kale sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu weli yahay madaxa xisbiga ka arrimiya dowlada deegaanka soomaalida ee Itoobiya.
Iscasilaadda madaxweynaha ayaa ka dambeysay kaddib markii militariga federaalka loo daabulay magaalada Jigjiga iyo deeganno ka tirsan maamulka Soomaalida, waxaana la rumaysan yahay in Cabdi Maxamuud Cumar ay cadaadis ku saartay dowladda dhexe inuu xilka iska casilo kaddib markii dibadbaxyo ay ka dhaceen halkaasi iyo dagaallo dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
Waa Kuma Madaxweynaha Cusub ee DDSI Axmed Cabdi Sheekh Maxamed ?
Axmed Cabdi Sheekh Maxamed oo ah nin da’yara waxa uu ku dhashay Degmada GARBO Sanadii 1986-dii, Waxa uu 2012-kii ka baxay Jamaacadda Diridhabo, oo ka diyaariyay cilmiga Xisaabaadka iyo Bangiyada, Waxa uu sidoo kale 2017-kii ka baxay Jamaacada BAHARDAR.
Madaxweynaha Cusub ee Dowlad deegaanka Somalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed oo Lagu Naasayso (ILKA CASE), Waxa uu ahaa Wasiirkii Maaliyada, isagoo sidoo kalena Xubin ka ah Baarlamaanka DDSI.