W/Q: Cabdiraxmaan Caydiid, Email: Abdiaideed11@Gmail.Com
Salaan Warbaahinta Madaxa Bannaan Iyo Dhammaan Dadweynaha Sharfata Leh Ee Laga Yaabo Inay Arkaan Ama Akhriyaan Qoraalkan.
Waa Kuma Madxaweynaha Siilaanyo Beldeli Doona 2017? Ayaa Dulucda Maqaalkani Daaranyahay.
Waa Sual Da’ Weyn Oo Laga Yaabo Inay Madaxana Daalinayso Ama Jawaaabteeda Aan Meel Dhaw Lagasoo Dhufan Karin. Aniguna Runtii Jawaabtaa Ma Hayo, Laakiin Waxaan Isku Deyayaa Inaan Idinla Wadaago Aragtidayda Aniga Oo Ka Mala-Awaalaya Marka La Eego Duruufaha Siyaasadeed Ee Jira, Sida Ay Dhici Karto In Giraantu Siyaasaddu U Wareegto, Fursadaha Ay Haystaan Labadan Xisbi Iyo Duruufaha Adag Ee Kale Ee Ay Wajahayaan, Kuwaas Oo Ay Suuragal Tahay Inay Ka Gudbaan Ama Ay Laba Hadhaan. Bal Aynu Eegno Dhowrkan Qodob Ee Soo Socda:
Somaliland Sidee Madaweyne Lasoo Doortay Looga Noqdaa? Intaanan Su’aasha Jawaabteeda U Gelin, Waxa Xusid Mudan In Somalidu Sideedaba Ay Caan Ku Yihiin Inay Wuxuun Soo Dheegtaan. Tusaale Ahaann Haddi Qof (Nin/Gabadh) Meherad Furto Oo Ay U Yara Shaqayso Maalmana Uu Ka Qadeeyo, Markiiba Waxa Dhacaysa Boqolaal Meheradood Oo La Mid Ah In La Wada Furo. Siyaasadduna Sidaas Ay Marar Badan La Mid Noqotay Oo Ay Wax U Dhacaan, Una Shaqeeyaan.
Aan Usoonoqdo Su’aasha Jawaabteeda: Somaliland Sida Madaxweyne La Doortay Looga Noqdaa, Waxa Weeye: Marka Hore Laba Habrood Soo Hel (Waa Taada Iyo Mid Kale E), Reer Awdalna Madaxweyne-Ku-Xigeen Sii, Kadiba Inta Codadka Soo Hadhay La Boob Xisbiga Kale Ee Kaa Soo Horjeeda. Qaaciidadu Waa Intaa Ismana Bedesho. Waad I Fahanteen Baan Filayaa. Bal U Fiirso Musharihiinta Saddexda Xisbi (Muuse, C/Raxman Iyo Jamaal) Miyaanay Naqshadaas Uun Ahayn.
Badanaa Cidi Isma Weydiiso Doorkan Sidii Hore Si Ka Duwan Wax Ma Loo Dhigi Karaa. Maxay Tallow Sidaas Uun U Tahay. Waxaan U Malaynayaa Cidiba Isma Weydiiso, Wuxuun Bay Iska Tahay Kol Hadday Ii Shaqayanayso Maxaa Qaaciido Kale Ama Si Kale Oo Aanan Hubin Inay Shaqaynayso Igu Wata.
Somaliland Maanta Saddexdii Xisbi Ee Qaranku Ku Heshiisay Inay Ku Maareeyo Arimaha Tartanka Siyaasaadda Yo Hogaaminta Dalka Laba Uun Baa Shaqaynaya ( Waa Waddani Iyo Kulmiye E). Mid Waliba Musharax Ayuu Shirweyne/Goledhexe Kusoo Doortay. Waxaa Kale Oo Aad Arakayssa Siyaasiyiintii Oo U Kala Guurguuraya Labadan Xisbi Dhexdooa Oo Xaflado Loo Qabanayo. Maalmahan U Dambeeyay Waxa Loo Xafladeeyay Siyaasiyiin Doora Oo Kusoo Biiray Waddani. Qaarkood Waa Siyaasiin Inbadan Kusso Jiray Nidaamka Federaalka Ee Muqdisho Oo Aan Somaliland Ba Aaminsanayn Hase Yeeshee Dhowaan Mawqifkooda Bedelay Markii Ay U Caddaatay In Ay 20 Sano In Kadan Laf Toobin Ku Hayeen, Kuwo Kalena Waxay Ahaayeen Kuwo Hore Kulmiye Uga Duday Iyagoo Ku Eedeeynaya Inaan Jagada Musharaxa Xisbiga Si Siman Loogu Tartamin. Dhinac Kale Markaad U Dhigtana Waxay Yimaadeen Xisbi Kale Oon Jagada Musharaxa In Lagu Tartamo Daayo Xataa Aan Lasoo Hadal Qaadi Karin Musharaxa Madaxweynaha, Maydaanka Siyaasadda Ayaanay Taasi Ka Muuqataa Inaanu Jirin Mushrax Kale Oo Miisaan Leh Oo Jagada Cirro Kula Loolami Karaa. Kulmiyaaba Markaa Labada Dimoqraadiyadda La Sheegayo Uga Dhowaa Baynu Odhan Karnaa.
Maxaa Dhibco La Kala Haysataa Ilaa Iyo Imika?
Guulaha Ay Ilaa Imika Labadan Xisbi Kala Gaadheen Waxaynu Ka Eegi Karna Dhawr Meelood, Inagoo Isha Ku Hayna Siday Ugu Kala Guulaysteen Ama Ugu Kala Faa’iideen Fursadihii Soo Maray:
Kulmiye Haddaynu Ku Horayno, Waxa Si Fiican Ugu Dhacday, Sida Ay Taageerayaashiisu Aaminsanyihiin, Ciyaarta Qaybteeda Ah Kala Reebista Labada Doorsho Ee Wakiilada Iyo Madaxweynaha. Kulmiye Waxa Uu U Arkaa Inay Ay Tani Waqti Siinayso Uu Labada Culays Marba Mid La Tacaalo, Isla Markaana Haddii Uu Ku Guulaysto Madaxtooyada Ay Wax Weyn Uga Tarayso Inuu Saamayn Weyn Ku Yeesho Xildhibaanada Soo Baxaya Mustaqbalka Si Uu Aqlabiyad Golaha Ugu Yeesho. Inkasto Aakhirka Ay Caado Noqotay In Xildhinaadanu Iska Wada Muxaafidaan, Waayo Badanaa 10 Sanoo Mucaaridnimo Ah Cidina Taag Uma Hayso. Kulmiye Waxa Kale Oo Uu Abuuray Fursad Wanaagsan Oo Uu Cod Buuran Ku Heli Karo Marka La Eego Gobolada Bariga Oo Doorkan Sidii Ay Hore Doorashadu Ugu Dhici Jirtay Si Ka Duwan La Rajaynayo Inay Uga Soo Qayb Galaan Codbixinta Doorashada.
Dhinaca Kale Kulmiye Dhawr Qodob Baa Hoos Maray Ama Ilaa Imika Caqabad Ku Ah Dib-U-Doorashadiisa. Kuwaas Waxa Ka Mid Ah Kow, Lixdii Goobood Ee Woqooyoga Hargeisa Oo Uu Ka Daahay Is Waafajinta Danaha Xisbiga Iyo Danaha Codeeyayaashiisa Oo Ku Kala Aragti Duwanaa Arintaas Sida Loo Maamulay Ayna Dhici Karto In Uu Codad Ku Waayo Qayladii Ka Dhacday Awgeed. Midda Labaad Waxa Weeye Kulmiye Waxa Caqabad Ku Ah Cugashada Cirro U Cugtay Cabdulqadir Jirde Inuu Kursiga Guddoomiya Uga Dambeeyo Oo Ka Dhigan Musharaxa Waddani Ee Cirro Dabadii, Oo Ay U Badantahay In Cabdulqadir Beeshiisuna Taageero Mug Leh Ku Siiso. Waa Ta Saddexaade Musharax Jamaal Oo Had Iyo Jeer Taageerayashiisa Tvyada Uga Sheega In Uu Kulmiye Arinkiisa Ka Dambeeyo, Welina Kulmiye Si Muuqata Arintaa Qorshe Habaysan Kama Laha/Yeelan.
Waddani Xaggiisa Haddaynu Eegno, Arinta Banaynta Jagada Guddoomiyenimada Xisbiga Ayaa Ah Darbadii Ugu Wanaagsanayd Ee Uu Ilaa Iyo Imika Laago Xisbigu. Runtii Waa Kubbad Koone Laga Soo Laaday Oo Aad U Jarran Oo Ay Sahlantahy In Si Fudud Gool Loogu Dhalin Karo. Waddani Waxa Uu Mawqif Wanaagsan Iska Taagay Markii Buuqa Lixda Goobood Taagnaa, Taas Oo Soo Jiidasho Cod Dheeraad Uu Ku Kasban Karo Taasoo Dhinaca Madaxweyne Kuxigeenkiisa Ka Timaada. Qolada Katimi Dhinaca Kulmiye Ee Siyaasiyiinta Ah Ee Ku Biirayay Iyana Waa Wax Usoo Kordhay, Inkastoo Ilaa Imika Aanay Muuqan Sida Ay Cod Buuran Oo Deegaamaysan Ay Ku Keeni Karaan, Marka Laga Reebo Inay Sumcad Leeyihiin Oo Xilal Muhiim Ah Dawladda Kasoo Qabteen.
Cod Bixiyayaasha Iyo Labada Xisbi
Shan Doorasho Oo Soomalland Kasoo Qabsoomay Marka Aynu Dib U Jaleecno, Waxaynu Arki Karnaa Codadka Shilis Mucdoodu Meelaha Ay Kala Yaalaan. Inagoo Taa Ka Duulayna Waxaynu Eegi Doona Bal Fursadaha Ay Kala Haystaan Labada Xisbi Ilaa Iyo Imika.
Afar Xidhmo-Codbixiye, Ayaa Shantaa Doorasho U Muuqanayay Inay Dhalin Karaan Codad Isku Dhaw Ama Is Ceshan Kara. Waxayna Kala Yihiin: Beelaha Saylici Iyo Aareeye, Beelaha C/Raxman Ciiro Kasoo Jeedo, Belaha M/Weyne Siilaanyo Kasoo Jeedo Iyo Beelaha Musse Bixi Kasoo Jeedo.
Sidoo Kale Saddex Xidhmo-Codbixiye Ayaa Iyana La Arkayay Inay Dhalinayaan Codad Doorasho Oo Is Ceshan Kara, Waxayna Kala Yihiin Beelaha Faysal Cali Waraabe Kasoo Jeedo, Beelha Musharax Jamaal Kasoo Jeedo Iyo Beelaha Cabdulqadir Jirde Kasoo Jeedo.
Waxaa Iyana Jiray Xidhmooyin Codad Ah Oo Beelo Kale Oo Somaliland Ku Baahsan Ka Yimaada Oo Iyana Aan La Dhayalsan Karin, Laakiin Imika Aynaan Weli Sii Mala-Awaali Karin Xaggay U Ridi Doonaan. Kuwaas Waxaynu Imika U Qaadanaynaa In Gacanta Uun La Wada Gelin Doono.
Waxaa Kale Oo Iyana Imika Soo Biiraya Xidhmooyin Codad Ah Oo Ka Iman Doona Sool Iyo Sanaag Bari Oo Berigii Hore Aan Si Fiican Looga Codayn Jirin.
Haddba Bal Aynu Eegno Halka Ay Labada Xisbi Ka Kala Taaganigiin Xidhmooyinka Codadka Somaliland.
Halkee Bay Labada Xisbi Ka Kala Taaganyihiin Xidhmooyinkaa Codad-Doorasho?
Haddaynu Ku Horayno Xidhmooyinka Afarta Ah Beelaha Ay Kasoo Kala Jeedaan Muuse Iyo Cirro Way Is Goosanayaan Oo Waa Isu Tuur, Awdal-Na Sida Sansaankeedu Usoo Muuqdo Gacanta Ayaa La Wada Gelinayaa Waxayna U Dhowdahay Inay Iyana Is Jaqdo. Halkaa Waxa Soo Hadhay Oo Lagu Loolami Karaa Waa Codadka Beesha Siilaanyo Kasoo Jeedo Oo Ah Runtii Cod Buuran.
Raaca Labaad Haddan Eegno Beelaha Uu Faysal Cali Waraabe Kasoo Jeedo Waxay Iyana Saansanatu Tusaysaa In Labada Xisbi Midba Safar Wanaagsan Ka Heli Doono, Halkaasina Isgoosatay E Sow Maaragtaan. Beesha Cabdulqadir Jirde Waxay U Muuqataa In Waddani Ku Adkaanayo,Inkastoo Kulmiyena Aanu Kuqadayn. Waxa Kuu Soo Hadhay Waa Beesha Jamaal Cali Xuseen Oo Iyada Codkeeda Xooggiisu Banaanka Iska Yaalo. Halkaas Waxaad Moodaa In Aanu Waddani Waqti Badan Iskaga Lumin/Luminayn Inuu Culays Saaro Oo Malaha Beri Horeba Xisaabtuu Si Kale Isugu Geystay. Sawirka Guud Ee Xisbiga Ayayna Si Cad Taasi Uga Muuqataa Iyo Doorka Kaadirinta Deegaanadaasi Uga Hawl Galaan Xisbiga. Codbixiyayaashaanina (Waa Jamaal Dhinacuu Kasoo Jeedo E) Waxay Beryihii Damabe U Muuqdeen Kuwo Kasii Niyadjabaya Xisbiga Waddani. Waxyaalaha Taa Keenay Waxa Ka Mid Ah Xisbiga Laftiisa Oo Aan U Muuqan Mid Mawaaqiif Cad Cad Ka Lahaa Ama Iska Taagayay Arimihii Ka Socday Gobolka Saaxil Muddooyinkii U Dambeeyay, Taas Oo Aakhirkii Keentay Inay Dadku Isweydiiyaan Arimo Door Ah Oo La Xidhiidha Dhinaca Siyaasadda Iyo Dhaqaalahaba Ee Xisbiga Waddani.
Marka Laysku Soo Xooriyo, Waxa Iska Cad Codadka Ugu Badan Ee Laysku Hirdiyi Doonaa Ay Noqon Doonaan Saddex Uun: Codka Beesha Madaxweynaha, Kuwa Beesha Musharax Jamaal Iyo Codka Beelaha Sool Iyo Sanaag Bari. Markaynu Eegno Masaafadda Xisbi Waliba Uu U Jiro Meesha Reerka Lagu Furayo Waxa Iska Muuqta Inay Kefaddu Dhinaca Kulmiye U Janjeedho. Taas Waxa Isbedel Ku Keeni Kara Oo Keliya Waa Haddii Waddani La Yimaado Farsamooyin Kale Oo Ka Duwan Qaaciidada Gabowday Ee Siyaasadeed Ee Kursi Ku Fuulka Ee Ah “Habar+Habar Kale+Awdal”, (Sida Midda Jirde Oo Kale, Inkastoo Taa Lafteeda Looga Horeeyay, Haddana Waxa Cad Inay Si Ugu Shaqaynayso Oo Uu Waddani Ku Faa’iidayo).
Gebagabadii, Waxa Soo Baxaysa In Tartanku Uu Aad U Adkaan Doono. Sidaas Darted, Muuse Waxa U Yaal Inuu Jirde Iyo Jamaal Wax Iskagala Daalo Intay Goori Goor Tahay, Iyo Inuu Waqtigan Xaadirka Ah Lixdaa Tuulo Ka Istaaqfuralaysto Oo Faraha Kala Baxo.
Cabadiraxmaan Cirro Na Waxa Isna U Yaala Inuu Farsamadii Uu Kusoo Dhacsan Laha Codka Buuran Ee Siilaanyo Muuse U Loogay La Yimaado, Isla Markana Saaxil Iyo Jamaalna Uu Jirde Kale Oo Uu Iskaga Gufeeyo U Raadsado….Allow Dooran Garanmaynee Aduu Noo Door.
Wabillahi Tawfii,
Cabdiraxmaan Caydiid
Email: Abdiaideed11@Gmail.Com