Waa Kuma Masuulka Uu Guddoomiye Cirro U Magacaabay Madaxa Ololaha Ee Xisbiga WADDANI

0
93

Akhri: Wareegtada Magacaabista Madaxa Ololaha ee WADDANI+ Dareenka Uu Masuulkani Ka Bixiyey Iyo Xog-warranka Taariikhdiisa iyo Khibradda Shaqo

Hargeysa (Hubaal)- Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Kheyre oo kamid ah dhalinyarada mutacalimiinta ah ee reer Somaliland oo xalay uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u magacaabay in uu noqdo Madaxa Ololaha ee xisbigaasi ayaa ka hadlay dareenkiisa ku ladhan xilka uu xisbiga WADDANI u igmaday.  Xamse Kheyre  oo xalay qoraal mahad celin ah oo uu ku cabirayo magacaabistiisa ku baahiyey barta uu Facebook-ga ku leeyahay ayaa amaano miisaankeeda leh ku tilmaamay waajibaadka laga sugayo iyo kaalinta uu Madaxa Ololaha Xisbiga Waddani (National Waddani Campaign Manager) kaga jiro himillada xisbiga.

Wareegtada Guddoomiye Cirro Ku Magacaabay Xilkan iyo qoddobada uu u cuskaday

Markaan  darsay: Qodobka 30aad faqradiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan Arkay:  Baahida loo qabo in la buuxiyo xilkan

Markaan la Tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku Qancay:   Kartida iyo Aqoonta uu leeyahay. Ka dib markaan helay soo jeedinta Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI, sida ku xusan Qodobka 36aad faqraddiisa 4aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI; waxan maanta oo taariikhdu tahay 22ka February 2017 u magacaabay Md. Xamse Cabdiraxmaan Khayre inuu noqdo Madaxa Ololaha Doorashada  Madaxtooyada (Campaign Manager) ee Xisbiga WADDANI, waxaanu hoos imandoonaa Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI. Waxaanu ilaahay ka baryeynaa inuu horseed ka noqdo guul qaran iyo mid Xisbi, isaga oo adeegsanaya aragtida Isbeddel Caddaalad iyo Horumar ku dhisan”. Ayaa lagu yidhi warqadda lagu magacaabay madaxa ololaha ee xisbiga WADDANI kaasi oo uu ku saxeexnaa guddooomiyaha ahna musharraxa xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

AQOONYAHAN-HAMSEDareenka iyo Mahad Celinta   Madaxa Ololaha Xisbiga Waddani (National Waddani Campaign Manager).

Qoraalka uu Madaxa Ololaha Xisbiga Waddani (National Waddani Campaign Manager).  Xamse Cabdiraxmaan Kheyre kaga hadlay  dareenkiisa ku wajahan xilka loo magacaabay waxaa uu ku yidhi “Marka hore Ilaah baa mahad leh (Swt) oo qadarray in aan Kaalinta Madaxa Ololaha Xisbiga Waddani (National Waddani Campaign Manager). Marka Xiga Murashaxs ahna Gudoomiyaha Xisbiga Muddane Craxmaan oo isagu guushiisa igu aaminay taas oo ah masuuliyad ka culus haddii aan anigu sharaxnaan iyo amaano miisaankeeda leh. Waxaan isna si gaara ugu mahadcelinayaa Hogaamiyaha Xisbiga Muddane Xirsi Oo soo-jeedinta lahaa hawshan Ololuhu ay ahayd meeriska shaqo balse gartay inuu daadajiyo oo ii igmado. Waxaanan hilmaamsanayn dad badan oo xisbiga iiga soo horeeyay iigana gashi badnaa oo haddana iska kay horaysiiyay. Dadkaasi oo fara badan una badnaa dhallinyaraddii Xisbiga xilal kala duwan ka haysa iyo kuwo taageerayaalba leh iyagana abaal baan ugu hayaa. Ugu dambayntii waxaan aaminsanahay in guushu ku jirto iskaashiga, wada-shaqynta iyo kalsoonida dhamaan xisbiga dadkiisa : Ka bilow codbixiye, taageere, xubin, masuul xisbi ilaa hogaanka sare. Taas baan ku dedaali doonaa inaan hormuud ka moqdo. Hogaan sare ee Xisbigu jaggada tan waxay u garteen maaha aniga ka shaqsi ahaan, waa Dhallinyaradda JSL oo dhan, Aqoonyahanka, Dadka Qaranimadda iyo Horumarka Jecel, Kuwo Qabyaalad-diidka ah. Waxay muujiyeen in qasab aanay ahayn in qofka la waydii “Yaad Tahay” balse la dhiso karo Somaliland “Kumaad/Tuma ayaad tahaydu” qiimo leedahay kana muhiimsan thy. Intaas iyo asxaabta kale ee xisbi walba leh niyadsamidooda iyo ducadoodda Allaha aqbalo.

Waa Kuma Xamse Cabdiraxmaan Kheyre Madaxa Ololaha Xisbiga Waddani (National Waddani Campaign Manager). 

Waxaa Wargeyska HUBAAL U suurto gashay in uu helo xog ku saabsan taariikh nololeedka iyo khibrada shaqo ee Madaxa Ololaha Xisbiga Waddani (National Waddani Campaign Manager) Xamse Kheyre, kaasi oo kamid ah dhalinyaradii tiir dhexaadka u ahaa aasaaskii iyo samayntii dallada ay ku bahoobeen ururrada dhalinyarada Somaliland ee heer qaran ee SONYO oo haatan qaangaadh ahi. Nuqulka CV-ga Madaxa Ololaha Xisbiga Waddani (National Waddani Campaign Manager).  Oo guud mar ahi waxaa uu u dhigan yahay sidan:

Summary Bio: Date of Birth : 1981, Place of Birth: Gabiley. Education: Jaamacadda Hargeysa ka qaatay Shahaaddada koowaad. Wuxuu ku qaatay Ganacsiga Dhaqaalaha. Shahaadda 2aad Waa MBA (online Malaysia).  Shaqadda: Wuxuu la soo shaqeeyay Wasaaraddo dawladeed, shirkaddo ganacsi iyo hayaddo gargaar oo caalami ah. Intan dambw wuxuu ahaa la taliye dhinaca ganacsatada kaalmadda ka hesha WorldBanka ah.  Arrimaha Bulshadda: Wuxuu ka mid ahaa dhallinyaraddii aasaastay Dallada SONYO. Waxaa kale oo uu kaalin wayn ku lahaa Ololihii Furista Dabarka Sharci ee Dhallinyaradda 2011 kaas oo suurtagaliyay maanta in goleyaasha deegaanka Soomaalilaan ay dhallinyaraduu aqlabiyadd ku noqotay. “Tababare dhinaca dhismaha ururadda ah, Cilmi baadhe iyo qoraa ka faallooda arrimaha bulshadda, siyaasada, dhaqaalaha iyo miisaaniyadda (hamse.khaire@blogspot.com). Arrimaha Siyaasadda: 2012 wuxuu ka mid noqday aasaasayaashii Ururkii Ummadda. Magaca Ummadda ee xisbiga isagaa bixiyay. Mabda’a xisbigana dajintiisii buu ka qayb buu ahaa.  ~ Xoog ugu ololeeya dhamaystirka sharciyadda Gobolnimadda Gabiley.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here