Waa Kuma Xoghayaha Cusub ee Wasiirka Daakhiligu u Magacaabay Dawladda Hoose ee Laascaanood?.
Laascaanood (Hubaal) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa BOOS Dubbad BOOS u magaacabay xoghayaha cusub ee dawladda hoose ee magaalada Laascaanoodee xarunta gobolka Sool.
Magacaabista xoghayaha cusub ayaa timid ka dib markii uu horraantii bishan wasiirku xilkii ka qaaday Xoghayihii hore ee fulinta Dawladda Hoose Ee Laascaanood Cabdiraxmaan khadar (Gaas).
Xoghayaha cusub ee wasiir maxamed Kaahin u magacaabay Dawlada hoose Ed Laascaanood md. BOOS Dubbed BOOS ayaa ka mid ah aqoonyahannada gobolka Sool ee muddooyinkii u dembeeyay ka tirsanaa bahda waxbarashada.
Md. BOOS oo la filayo in maalinta Sabtida ah ee innagu soo fool leh uu xilka la wareego ayaa mar aanu xalay dareenkiisa ku wajahan xilka loo igmaday waxa uu yidhi ”
“Xilka aan qaaday waa xil weyn, waxaanan u mahad celinayaa marka hore Illaahay, marka xigta waxaan u mahad celinayaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ii igmaday in aan u shaqeeyo bulshadayda, waxaanan ballanqaadayaa si hagar la’aan iyo hufnaanba leh ula shaqayn doono, insha allah”. Ayuu yidhi Xoghayaha cusub ee Fulinta dawladda hoose ee Laascaanood md. Boos Dubbad Boos.