Guddoomiyaha UCID Oo Maaweelo Ku Macneeyey Bayaan Ay Wasiirrada Carabtu Kasoo Saareen Askhato Ka Dhan Ah Somaliland Oo Ay Dawladda Muqdisho U Gudbisay
“Somaliland ayaa la jaar ah oo badda cas ku taalla, Soomaaliya jaar lama aha carabta, sidaas darteed waxa waddamada carabta dantoodu ku jirtaa Somaliland ee kuma jirto Soomaaliya.” – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe -WARAYSI
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku sifeeyay xukuumadda Soomaaliya mid ku fashilantay inay nabadayso dalkeeda, waxaanu sheegay in shaqadeedii noqotay inay xaasido dawladnimada Jamhuuriyada Somaliland. Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Waxa uu intaas ku daray in heshiiska saddex geesoodka ah ee horumarinta marsada Berbera ee ay wada galeen Dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP World uu fuli doono. Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA. “Horta ma jirto wax la yidhaahdo dawlad sharci ah oo Soomaaliya ka dhisani, waxa ugu dambaysay dawlad tii Siyaad Barre, inamadan imika joogaana way nabadeyn kari waayeen dalkooda oo markii ay waxba qabsan kari waayeen ayey arrintoodii ku soo ururtay inay xaasidaan horumarka Somaliland. Taasina uma soconayso,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal. Guddoomiyaha UCID oo ka hadlayey hadal ka soo yeedhay Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaanu iftiimiyey in Somaliland ay dhaaftay wakhtigii lagu khuukhin jiray dalka Itoobiya oo uu xusay inuu ka dhexeeyo cilaaqaad iskaashi ballaadhani, waxaanu yidhi; “Waxaan u sheegaynaa Soomaaliya in Somaliland ay dhaaftay xiligii lagu khuukhin jiray Itoobiya oo aanu jaar nahay, Somaliland waxay xidhiidh dhaqan iyo iskaashi naga dhexeeyaa dawlada kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya oo xor ah kana tirsan dawladda Itoobiya.” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu xusay in Somaliland ay jaar la tahay khaliijka carabta, sidaas darteed waddamada carabtu ay tahay inay wax la qabsadaan Somaliland. waxaanu yidhi “Somaliland ayaa la jaar ah oo badda cas ku taalla, Soomaaliya jaar lama aha carabta, sidaas darteed waxa waddamada carabta dantoodu ku jirtaa Somaliland ee kuma jirto Soomaaliya.” Guddoomiyaha UCID oo la weydiiyay siduu u arko Bayaan ka soo baxay shirkii wasiirrada carabta oo ka dhashay askhato ay u gudbisay dawladda Muqdisho, waxa uu sheegay in dalalka carabtu ay maaweelinayaan Soomaaliya. Sidoo kale Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu soo dhaweeyey sidii adkayd ee madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uga jawaabay hadalkii xiqdiga ahaa ee ka soo yeedhay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya. Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu Soomaaliya dareen siiyey tacabka iyo dhibaatada ummadda reer Somaliland u soo martay dib u xoraynta dalkeeda.