“Waa Mahad Illaahay Haddii Anoo Madaxtooyada ka maqan in   Xildhibaannada  la xidh-xidhay qaarna la laayey..” Xirsi

0
47

Hargeysa(Hubaal):- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa cambaareeyey, isla markaana sharci-darro iyo fool-xumo ku tilmaamay wixii ka dhacay fadhi wada-jir ah oo ay Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland Axaddii Maanta yeesheen oo uu Madaxweynuhu hortegay, fadhigaas oo lagu garaacay, dibeddana looga saaray Xildhibaannada Mucaaradka ah oo ka soo hor-jeestay in duudduub lagu ansixiyo in Xukuumadda loo oggolaado inay Imaaraadka Carabta heshiis ku siin karto Saldhig Millateri oo ay Berbera ka doonayso.

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hadal uu ka jeediyey Shir Jaraa’id oo isaga iyo Xubno Xisbiga ahi ku wada qabteen Hargeysa Axaddii maanta, ka dib markii uu soo dhammaaday fadhigaas oo Askar Golaha la geeyey ku faro-saareen Xildhibaannada Mucaaradka ah, isla markaana si xoog iyo qasab ah kaga saareen fadhiga intii aan la ansixin bixinta Saldhigga Millateri.

“Waa Illaahay mahaddii haddaan Maanta Madaxtooyadii ka maqanahayoo Golihii Baarlamaanka inta gudaha loogu galay oo qaarna la xidh-xidhay qaarna la laayey, waa Illaahay mahaddii in aan maanta ka maqanahay madaxtooyada iyada oo fool-xumadaasi dhacday oo aanan ku soo gaadhin. Marka labaadna waxaan cambaaraynayaa in xoog loo adeegsado Baarlamaan aan qoryo sidan oo aan hubaysnayn, oo Mudanayaal heshiis iyo sharci waydiinaya in qaarna la xidho qaarna la garaaco aad baannu u cambaaraynaynaa Xisbi Waddani ahaan, waxaan u aragnaa inay aragti qaldan tahay, sax ahayn oo ay xad-gudub tahay.” Sidaa waxa yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Xirsi oo hadalkiisa sii wataa, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Marka saddexaad, waxaan ku celinayaa inaanay sax ahayn inaynu dalkeenna Nin Qori sita oo shisheeye ugu baaqno oo weliba maanta innaga oo aan ictiraaf caalami ah helin oo inna siinaya inuu inna ilaaliyo, waayo? Ictiraafka caalamiga ahi waxa uu ku siinayaa in caalamku kuu gurmado haddii lagu qabsado oo xoog lagaaga qaado, adigoon sharciyaddaa weli helin in ciidan qori sita aad ugu yeedho oo dalkaaga ugu baaqdaa waa ayaan-darro, manaan filayn taas.”

Xirsi“Nimankii Soomaaliya ee aynu kala go’nay waxay maanta la ciirciirayaan yaan maalin qudha Ciidanka innaga saara? Ninka la doortay (Farmaajo) waxa uu ahaa Ninkii qudha ee diiddanaa ciidanka, innaguna maanta Ciidan baynu u baaqaynaa ee tolow ma Xumaanta ayeynu isu daba-maraynaa? Aad baan uga soo horjeednaa arrintaa, waxaan leenahay waar Sharciga halloo noqdo oo dadka iyo dalka jujuubka hallaga daayo.” Sidaa ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here