“Waa Markii 2aad Ama 3aad, Ee Aan Ka Hadlo War Ay Dad Waxay Uga Jeedaan Aanan Garanaynin Hay’addan Ka Bixiyeen”

0
11

Maareeyaha Hay’adda Duulista oo ku Baaqay inaan la Carqaladeynin Wadahadallada Maamulka Hawadda

Hargaysa(Hubaal)- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland  Capitan Cabdi Maxamed Rodol, ayaa shir jaraaid oo uu maanta xafiiskiisa ku qabtay kaga hadlay arrimaha Hawadda Somaliland iyo Soomaaliya, waxana uu ugu baaqay dad uu sheegay in ay si qaldan uga hadleen inaan la carqaladaynin wada hadal u socda Somaliland iyo Soomaaliya oo ku saabsan arrinta Hawadda.

 

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in aan lala wareegin Hawaddii Somaliland ee ay leedahay Somaliland maamulka Hawadeeda.

 

“Waa markii labaad ama saddexaad, in aan war Hay’addan laga bixiyey Duulimaadka aan sax ahaan, dad badan oo aan aqoon u lahayn iyo dad kale oo waxay uga jeedaan aanan garanaynin ay gaaleen, Hawo laynaga qaaday ayey sheegeen, war Hawdeenna innagaa ayaa iska leh sidaan maalintii horeba u sheegay, Haawada Somaliland, Somaliland ayaa leh, laAkiinse waxa jirta wax innaga dhexeeya innaga iyo Soomaaliya taasina waxa weeye wax la yidhaa Flight Information Regional  (FIR) ,   sida aad Maabka ku arki doontaan  waxa weeyaan hab Adduunku ku heshiiyey  oo Hay’adda Duulimaadka Qarammada Midoobay u qaabilsan ee ICAO ayaa samaysa,”ayuu yidhi Maareeyuhu.

 

Maareeye Cabdi Maxamed Rodol waxa uu sheegay in bishii 7-dii Bishii    uu shir lagaga hadlayey  Hawadda kaga qaybgalay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya,  islamarkana ay wax isla soo meel dhigeen dhigiisa Soomaaliya oo wada-hadal arrintan Hawada uga socdo.

 

“Waxaa jirtay bisha 7-dii Bishii May  in aan Nairobi  tagay aniga iyo wefti aan la socdaa oo aanu is aragnay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad iyo weftigii la socday, si fiican ayaanu u wada hadalnay oo is barbar dhiga, waxaanu ku heshiinay waxyaabihii hore oo dhan ee Dawladihii hore iyo Wakhtiyadii hore in la tixgaliyo, wixii ka danbeeyana,  wadahadallo dambe la yeesho, waxaana nala joogay laba nin oo ka socda Qarammada Midoobay UNSOM oo markhaatiya,”ayuu yidhi Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarradu.

 

Maareeye Cabdi Maxamed Rodol waxa uu ku baaqay inaan la carqaladaynin oo laga war sugo arrinta maamulka hawadda, waxaanu iyidhi: “Arrintaasi way socotaa mana fiicna in la Carqaladeeyo iyada oo wixii bilow uun yihiin oo ay socdaan oo si aan sax ahayn looga hadlo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here