-Xildhibaan Siciid Maxamed Cilm, Mudane Ka Tirsan Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Oo Ammaanay Wasiirka Maalliyada Somaliland
“Waa markii koowaad ee taariikhda dalkeena Somaliland ee Wasiir Maaliyadeed ku dhiirado inuu la wadaago Golaha Wakiilada talada”
Hargeysa ( Hubaal)- Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ku ammaanay inuu ku dhiiraday sidii uu Golaha Wakiillada ula wadaagi lahaa diyaarinta iyo samaynta Odoroska Miisaaniyadda qaranka.
Md. Siciid Maxamed Cilmi oo ka ahaa mudanayaal Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ka tirsan oo kulanka la yeeshay Wasiirka Maaliyadda toddobaadkan, ayaa warsaxaafadeed uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshadda ee Facebook-ga, waxa uu ku sheegay in kulanka dhexmaray Wasiirka Maaliyadda iyo Guddida Dhaqaaluhu ahaa mid laba dhinac ah oo muhimaddiisa koowaad ahayd in lagu gorfeeyo ambaqaadka Odoroska Miisaaniyadda sannadka 2015.
“Waa markii koowaad ee taariikhda dalkeenna Somaliland uu Wasiir Maaliyadeed ku dhiirado inuu la wadaago Golaha Wakiillada talada lagu abyayo Miisaaniyadda Dalka. Waa arrin ku cusub dalkeenna, balse lagaga dhaqmo dalalka aynu kaga dayano maamul-wanaagga. Waa xaajo ugub ah, dawana u ah is-fahmi-waagii labada gole-qaran. Waxaan qabaa masuul kasta oo hal-abuura, horraan-qaadna u noqda ficil wax tar u leh dawlad-wanaagga inay waajib innagu tahay in loo hambalyeeyo. Mahad Allaa leh, waxaanse si weyn ugu mahadcelinayaa Wasiirka Maaliyadda iyo hawlwadeennadiisa oo xil iska saaray inay daah-furnaan ku ladhaan guushii ay ka gaadheen inay afar-jibaaraan miisaaniyadda dalka. Waxaynu hore ula soconay in Golaha Wakiilladu ku maamuusay shahaado sharaf Wasiirka Maaliyadda Md. Samaale taasoo lagu guddoonsiiyey Goleweynaha dhexdiisa, sababtuna ahayd inuu taariikhda markii ugu horreysey noqday Wasiirkii koowaad ee muddadii Dastuuriga ahayd Miisaaniyadda dalka ugu soo gudbiya Golaha Wakiillada. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu ka abaalmariyo dedaalkaa uu muujiyey, waxaanna Golaha Wakiillada iyo shacabkaba ka codsanyaa in mar hadduu dhankii wanaagga u saanqaaday innaguna aynu tabantaabino,” ayuu Md. Siciid Maxamed Cilmi ku yidhi qoraalkiisa uu ku ammaanay Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.