“Waa Markii Ugu Horreysay Ee Aan Arko Cirro Oo Adeegsanaya Siyaasadda Loo Yaqaan ”Double-Cross Diplomacy”

0
189

“Murrshax/Xildhibaan Cirro Hugunku Ma Wato’e, Isaga Ayaa Hugunka Wada!!” – W/Q: Mohamed Hagi Mohamoud

 

 

”Double-Cross Diplomacy” waa siyaasad xeel-dheer oo halis ah – waana mid ku faraysa in aad qofka ku shaqaysato isaga oo aan dareensaneyn si aad dan sharrafeed iyo magac kasbasho sare ugu gaadho.

 

Illaahay bay tiisa tahay e, isma aan lahayn Cirro farsamada noocan ah waa uu adeegsan karaa, fahamkiisa siyaasiga ahina intan waa uu i ga la hooseeyey. Maanta la ga bilaabo se, aniga dib ii gu dhuuman maayo hoggaamiyahan dhukuran ee aan meelo badan siyaasaddiisa ka saluugsanahay.

 

Golaha Wakiillada ayuu iska casilay mar uu dantii uu lahaa ka gaadhay! Waxa uu si weyn u soo ciyaarsiiyey xubin Waddani ah, codkii markii la yeedhiyey hal cod in la ga ga helay ayaa la sheegay, markiiba waa uu hambalyeeyey!

 

Habeenkii ayuu dib u soo basbaaseeyey isla ninkii hanneeyey oo uu shaashadaha soo fadhiisiyey. Rag waaweyn oo xildhibaanno ah oo qawllalada ka xumbaynayana meelo badan ayuu soo hor joojiyey! Xag sharci iyo xag sulux intaba waa uu dhaqdhaqaajiyey! Waxa uu ku guuleystay in uu 39 xildhibaan dadka horkeeno!

 

Intaa ka dib Golihii Wakiillada ayuu sababteeda yeeshay in ay tahli kari waayaan kal-fadhi ay shir-guddoonka inta u hadhay ku doortaan! Ugu danbeyn maanta waxa uu ku kellifay in uu Baashe oo baryootamayaa guriga ugu yimaaddo! Baashe oo shaashada inta la soo hor joojiyey la aqbalsiiyey in la ga helay oo 39 ka xildhibaan uu Talyanle lahaa, isna dhawaaqa is-daba-marinta ah lahaa!

 

Cirro isaga oo adeegsanaya siyaasadda ”Double_Cross Diplomacy” Baashe iyo Talyanle waa uu dhiishaa dhaansaday oo ujeedo sharrafeed dhibco qaadasho ah ayuu marsday. Talyanle waxa uu noqday mid wixii uu hanneeyey, la hafarsiiyey oo haddana dib loo gu hanuuniyey in uu calyaa-ceshado hanneyn, hafar iyo hibo!

 

Halka uu Baashe kibir jabay, qirasho hodmay ee maanta la oggolaysiiyey in Guddoomiye noqoshadiisu ay suura-gal tahay keliya raalli ahaanshiyaha Waddani. Dhanka kalena Cirro – Kulmiye, xukuumadda iyo Beesha Caalamka waxa uu u diray baaq iyo farriin ay in yari fahmi karto!

 

Mohamed Hagi Mohamoud

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here