“Waa Markii Ugu Horreysay Ee Aannu Aragno In Gacan Shisheeye Soo Gashay Dalkeenna Oo Ay Faragalinayaan Doorashooyinka Somaliland”

0
16

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Somaliland Gabal Baas U Dumi Doono Haddii Doorasho Dhici Weydo

Hargeysa(Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa ugu baaqay golaha Guurtida Somaliland in muddo xileedka ay u samaynayaan goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka ay ku saleeyaan heshiiskii ay sabtidii wada gaadheen Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid.

Faysal Cali Waraabe ayaa waxa kale oo uu ka hadalay inay jiraan gacan shisheeye iyo shaqsiyaad uu sheegay inay faragalin ku hayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland, waxaana ka digay cawaaqib xumada dalku ka dhaxli karo doorashooyinka oo waqtigooda ku qabsoomi waaya.

“Waa markii ugu horreysay ee aannu aragno in gacan shisheeye dalkeenna soo gashay, doorashooyinka Somaliland, shakhsiyaad reer Somaliland ah iyo gacan shisheeye ayaa ku jirta. Doorashada maanta haddii ay dib u dhacdo, dalkeennu wuxuu galayaa mugdi, adduunkana waxa uu ka noqonayaa wax aan jirin. Caalamka dad badan baa ka yimid oo madaxweynaha u yimid, su’aasha la weydiiyayna waxay ahay, madaxweyne doorashadii ma qabanaysaa, haa ama maya, runtii doorashadaasi maanta waxay ka turjumaysaa waa Somaliland jiritaankeeda” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here