Waa Maxay Sababta Ay Maraykanku Madaxweyne Uga Dhigtaan Nin Militry Ah?

0
235

Qalinkii: Adan Macalin Maxamuud

Dalka Maraykanka oo ah dalka maanta hogaamiya quwada ciidan iyo ta dhaqaale caalamka waa dal si dimoqraadi ah u doorta madaxweynahooda iyagoo codkooda ku dooranaya kolba shakhsiga ku haboon ee hagoomin kara dalka.

Madaxweynihii ugu horeeyay ee ay doortaan sanadkii 1789- 1797 waxa uu ahaa Gorge Washington oo ahaa Askari weliba hogaamiye maleeshiyo ah.  Waana asaasaha iyo bud dhigaha dalkaasi. Waa ninka loogu magac daray caasimadda Washington waayo isaga ayaa halkaasi oo ahayd xabaalo ka asaasay in caasimadda laga yagleelo. Gorge Washinton waa madaxweynaha sameeyay dastuurka  Maraykanka.

Sidoo kale 13 kii madaxweyne ee ugu danbeeyay dalkaasi 10 ka mid ah ayaa ahaa askara ka tiran ciidamada kala duwan ee Maraykanka , waxa keliya oo aan ciidan shaqo ku lahayn Donald Trumo, Obma iyo Clinton.  Toban kale waxay ahaayeen kuwo derejooyin kala duwan ka haysta ciidamada waana kuwan hoos ku qoran magacyad iyo derejada ciidan ee ay lahaayeen..

 

Magaca Madaxweyne   Ciidanka    Derejo  Waaxda Ciidanka
Donald Trump     Maya    Ma  leh
Barack Obama     Maya    Ma  leh
George W. Bush Texas Air National GuardUnited States Air Force First Lieutenant (Kornayl 1) Wuxu ahaa Pilot intii lagu jiray dagaalkii Fiyatnam
Bill Clinton     Maya    Ma  leh
George W. Bush Texas Air National GuardUnited States Air Force First Lieutenant Kornayl ciidanka badda Wuxu ahaa Pilot  Maraakiibta dagaalka intii lagu jiray dagaalkii labaad 1942 – 1945
Ronald Reagan United States Army ReserveUnited States Army Air Corps Captain Ciidamada Maraykanka ee Cirka mudadii uu socday dagaalkii labaad (1942–1945);
Jimmy Carter United States Navy Lieutenant (navy) Kornayl ciidanka Badda Wuxuu ku sheqeeyay inta lagu guda jiro dagaalkii labaad ee aduunka sida niyadjabiye ka socda Guutada Maraakiibta Mareykanka. Difaaca iyo weerarka Badda 1946-1953 inta lagu guda jiray dagaalkii Kuuriya.;
Gerald Ford United States Naval Reserve. (Ciidanka kaydka badda) Lieutenant Commander Dagaalkii labaad (1942–1945); iyo dagaalkiii USS monetry
Richard Nixon United States Naval Reserve. Ciidanka kaydka badda Commander Dagaalkii labaad (1942–1945); wuxu helay dalacaad laba xidigood ka dib dagaalkii uu ku guulaystay ee ka dhacay badda Pacific.
Lyndon B. Johnson United States Naval Reserve. Ciidanka Badda Commander   ( taliye ) Dagaalkii Dunida labaad wuxuu helay bilad Silver  ka dib markii hawlgalka indha indheynta ahaa ee diyaaradihii qaadayay weerarkii Jabaan u sameeyay.

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here