Waa Maxay Sababta Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble U Hawlgaliyay Guddiga Cadaaladda?…Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

0
57

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maalin dhaweyd booqsho hawleed ku tegey Boorama, isagoo doorkan metelayay guddiga cadaaladda ee golaha wakiilada, Islamarkaana horkacayay ku dhawaad shan xubnood oo ka mid ah xubnaha golahaasi ka koobanyahay.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan siyaasiyiinta Somaliland saaxadeeda mudada ku soo jiray ilaa wakhtigii marxuum Cigaal, ayaa dhinaca kale ka mid ah siyaasiyiinta sida aadka ah u dhaliila xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye..
Haddaba, Marka dib loo raaco guddiga caadaladda ee golahaasi ee Siciid ka mid yahay ama hogaamiyo ayaan odhan karaa waa markii u horreysay ee socdaal ay ku tegaan gobol aanay ka dhicin wax dheeraad ah oo caddaaladda meel ka dhac ku ahi, waana markii iigu horreysay ee aan maqlo guddiga caddaladda golahaasi oo hawl qiimayn ah ku tegay goob ka mid ah xabsiyada dalka.
siciid cilmi roobleSidoo kalena, shacbiga Somaliland aad uma maqal ama wayba iska koobanyihiin inta maqashay guddiga caddaladda ee golahaasi.
Magac ahaan waa guddi haysa xil aad u culus oo la xisaabtami karta caddaalad darada, tacaddiyada iyo qiimaynta nolosha maxaabiista, hase yeeshee guddigan maxaa loo arki waayey maanta ka hor.
Tan iyo wakhtigii u dalka xukumayey xisbgii Udub, dhibaato badan iyo tacaddiyo badanno loo geysan jiray qaybaha kala duwan ee bulshada sida xisbiyada mucaaradka ah, suxufiyiinta, kuwa u ololeeya xuquuqal insaanka iyo kuwa maxkamaduhu ku qaadaan dambiyo aanay gelin ayaan guddigan laga maqal wax jabaq ah oo loogu hiilinayo dulmanayaasha waagaasi iyo wakhtiganba.
Socdaalka guddigan iyo xildhibaan Siciidba wakhtigan ku tegeen Boorama, kuna soo eegeen nolosha xabsiga dhexe iyo maxaabiista halkaa ku jirta ayaa ahayd hawl wanaagsan, laakiin guddiga looga baahnaa inay waa hore kormeeradan sameeyaan, kuna qiimeeyaan caddalad darada lagu hayo shacbiga, waxayse haatan su’aali ka taagan-tahay Siciid iyo guddigu ma waddaninimo iyo hawl gudasho dhab ah ayey u tegeen xabsiga Boorama mise wax kalaa ku lamaanaa? jawaabaha su’aashaasi iyo kuwa la mid ahiba way iska cad yihiin, waxana jawaabaha laga bixin karo ka mid ah in Siciid iyo guddigiisa ay taabatay xadhiga lagu soo qabtay wasiir ku xigeenkii hore ee amniga oo haatan u xidhan dawladda, kanasoo jeeda gobolka Saaxil, sida Siciidna uga soo jeedo deegaankaasi si uu ugu hiiliyo walaalkiina uu maanta soo abaabulay guddigaasi. Boorama sida uu ku yimi ayaa loo nisbaynayaa inay la xidhiidho warar ku tidhi ku teen ahaa oo lagu sheegay in wasiikii hore ee amnigu ku xidhanyahay Boorama, balse la ogyahay in wasiikaasi hore aan la soo dhaafin Gebilay sidaa darteedna uu baadi goob ugu jiray Abkor, kana waayey Xabsiga Boorama.
Siciid oo qabtay shaqo wanaagsan soona eegay maxaabiista, ayaa loo baahnaa inuu dhinaca kalena wax ka ogaado xaaladda ciidanka xabsiga Boorama bal inay mushahar qaateen iyo in kale muddo bilo, in derejooyinka la siiyey yihiin kuwa si caddaalad loogu tolay, una barbardhigo xaaladda ciidankaasi ee ku sugan Bariga dalka hadday wax dhimanyihiinna isaga iyo guddigiisu kala xisaabtamaan wasiirka caddaladda iyo taliska dhexe, balse aanu guddiga u hawlgelin oo keliya nin reer Berbera ah oo dawladdu gar ama gardarro u xidhay,. waddaninimaduna sidaasay ku jirtaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here