Waa maxay xaalka Siyaasiga laga qaado xilka Qaranka? Prof. Khadar Abdi Ibrahim (khadar sos)

0
55

Faalada iyo falanqaynta siyaasiyiintii markii ugu horaysay xilal qaran ka soo qabta SOMALILAND ee XISBIGA KULMIYE ka tirsanaan jiray oo hadda isu badalay mucaaradnimo.

 ka

Waxay iswaydiintu tahay:

Ma xil jacaylkaa keentay mucaardnimada?………Ma cadhada iyo hanaanka habka looga qaaday xilka ayaa keenay?………Ma aragtida iyo mabda’ooda siyaasadeed ayaa is bedeshay?…………… Mise taageerayaashooda ayaa saluugay in xilka laga qaaday?…………..Ma haybta iyo reernimada ayaa ku qasabtay mucaaradada?….. Ma shaqadii xilka hortii bulshada ugu hayeen ayaa la sii qabsaday? Mise xil haddii la waayo waa in mucaarad loo digo rogtaa?….

Su’aalahan iyo kuwa kale oo badan ayay dad badan iswaydiinayaan……

Aniga aragtidayda waxay ahaayeen dad xilka hortii miisaan kulaha bulshada dhexdeeda. Waxay umadda uga hiiliyeen barashada taariikhda halganka umadda, caafimaadka iyo horomarka nabadgalyada.

Nasiib ayay u heleen in xisbigoodii KULMIYE markuu ku guulaystay ay masuul qaran noqdaan. Waxay fursad u heleen in ay tijaabiyaan himilada iyo hammiga ay ku taamiyeen in ay dalka ku maamulaan. Malahayga waa markii ugu horaysay oo ay xilalka wasiirnimo iyo badhasaabo ay ka qabtaan intii ay SOMALILAND jiray.

MAXAA LAGA FILAAYAY?

In ay adeegyadii ay awalba bulshadooda u hayeen sii wadaan. In ay ka sii shaqeeyaan arimihii caafimaadka, taariikhda iyo nabada. In ay u ogaladaan nimankii dhigooda ahaa ee ay xisbiga kuwada jiraan in iyana fursadooda mar la siiyo. In ay barbar taagnaadaan oo u haneeyaan nimanka ay xisbiga kuwada jireen ee iyaga lagu badalay? Miyayna fiicnaateen in ay siyaasada iyo maamulka xisbiga ka sii shaqeeyaan.

CASHARKA LAGA BARANAYO

In muxaafidnimadoodu ku eekayd inta ay xilalka qaranka ka hayaan. Marse hadii xil ka xayuubin lagu sameeyay oo lagu badalay dad aan dhigooda iyo kufkooda ahayn iyaguna ku biiraan mucaarad. In uu xilku macaanyahay waa casharada ay ina bareen. Oo talow xilkan hortiiba soo kuwii bulshada ka mid ahaa?. Ma waxay garan waayeen bulshadiinii sidii hore uga mid noqda oo baahida dadkiina ka haqab beela. Si mar labaad loo helo xilna lagu biiro xisbiyo kale. Oo may ka fakaraan xisbigoodii oo ay ku soo kordhiyaan aragtiyo iyo hab maamul cusub si horomarkii ay seeska u soo dhigeen u tis qaado……..

MAXAY KU SOO KORDHINAYAAN XISBIGA AY KU BIIRAYAAN?

Xisbigu waxay ahayd in uu soo saaro siyaasiin ku cusub saaxada iyo golaha siyaasada. Helitaan maskaxo da’yara oo wadanka iyo dadakaba ku soo biiraya hanaan iyo tub horomarineed. Haddiise ay qoladii hore xilalka soo qabatay ay ku soo qamaameen waxay keenaysa in ay rajadoodii hoos u dhacdo.

GABAGABADII

Mucaaridnimo yayna inaga noqon qof,qoys iyo qolo nacayb. Mucaaradnimadeenu ha noqoto mid ku salaysan horomarinta qaranka SOMALILAND iyadoo la soo tabinayo tubta iyo talaabooyinka lagu gaadhayo horomarka. Balse yayna noqon mid xil iyo xoolo lagu rabo oo haddii la waayo kugu noqota xanuun ku dhaxalsiiya fikrado tagan oo dhaawaca qaranimada wadanka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here