WAA MUSTAQBALKII BERI (Sheeko Gaaban).W/Q: Hamse Shaadhey

0
38

h...Waa Nin xoog ah oo ku jira Da’ada labaatameeyaha, waa nin qurxoon oo ilahay u dhaliyey quwad waa nocii la odhan jiray laba-lafood, waxaan ka wadaa quwadiisa iyo xooga uu lasoo koray, Markaad kor u fiiriso waxaad arkaysaa in samaystay dhoor ka diiga oo kale ah misana waxa uu marsaday waxan looyaqaan madoobaysada, waxa Uu igagasoo baxay meel aad u madow oo adigu aanad gasheen sida ay u eegtahay, waxa uu eegayaa Hareerihiisa, Malaha wax uu iska eegayaa mid kamid ah waalidkii in uu arko meeshan qadhmuun ee qiiqa sigaarka iyo garaabadu ka buuxdo,Qofka halkan galaana ogow oo cibaado way kalatageen, Wax uu xidhanayahay surwaal qurxoon laakin qaabka gashadiisu aanay dadka wanaagsan qanicinahayn, waayo waxa uu ka xidhay daba dhuuqda, Waxba lama ah in uu kaba siibto, oo Halkaas ceebtisu ka muuqato, Allah imakaba waxaa muuqda surwalkii hoose, cajiib waxa uu dhegaha kula jiraa Sameecado, Earphonada, sida uu madaxa u lulayo waan yaabay, oo waxaan arkay in uu wadankaba ka baxsanayahay, oo Malaha Amerikaanbuu dhagaysanayaa, waxaan isku deyey in aan afka u kala qaado oo aan idhaahado waar allahaa ka cabso ,  se wuu iga qaatay laakiin waxaa uu iiga sheekeeyey in wuu ahaa arday kasoo bilaw dugsigii hoose ee waxbarashada, ilaa uu gaadhay heer jaamacadeed oo uu jaamacadii ka qalinjabiyey sidaa darteed wax uu ii sheegay in uu muddo laba sano ah uu shaqo raadinaayey, laakiin meel kasta oo uu shaqo ka xareeyo lugu xidho oday iyo qabyaalad halkii lugu xidhi lahaa heerka waxbarashadiisa, Waa nabada Hadaanad tahriibin baan hoosta ka idhi, imaka wuu iga dhaqaaqay oo wuxuu dib u huluushay meeshii madobayd ee uu kasoo baxay, ileen waxa uu sugaayey mid kamid ah asxaabtiisa oo sigaar u doonay, waan jaleecay oo arkay in meeshu sii gun weyntahay waxaana kasoo muuqday in badan oo dhalinyaro ah oo da’a ahaan aan ku qiyaasay kuwii jaamacadaha kasoo baxay, Daqiiqado kabacadi waxaa meeshii oo aan xoogaa u jiray si aan la iigu arag aniga oo aan la odhan waa kamid soo gaadhay raxan dhalinyaro kale ah laakiin hoostaas baan ka leeyahay hadii ay tahriib ka badbaadeen waa mahad allahe kol intii ay wadan kale oo shisheeyey oo diin kale haysta ku dul baabi lahaayeen wadankooda ha ku baa’baan Waa Ayo Kani? …………. Waa mustaqbalkii Beri.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here