Hoggaamiyaha Maamul-gobolleedka Puntland oo Luuqad Hanjabaysa Ugu Jawaabay Alshabaab, Kana Hadlay Nin Hubaysan Oo Khaarijiyey Marxuumad Guddoomiye U Ahayd Ururka Haweenka Mudug
Garoowe (Hubaal) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa si kulul ugu hanjabay Kooxda Al-Shabaab, isla markaana waxa uu sheegay markasta oo ay Dad Shacab ah iyo Dadka Birmo-geydada ah dilaan, ay Maamul ahaan ugu aari doonaan Maxaabiis tiro badan oo ay ku hayaan ama ku jira Xabsiyada Puntland. Cabdiweli Gaas oo ka hadlay dilka Guddoomiyihii Ururka Haweenka gobolka Mudug ee Puntland Marxuumad Dhudi Yuusuf Aadan oo dhawr cisho ka hor Nini hubaysani ku dilay Gurigeeda magaalada Gaalkacyo ay ka degganayd. “Waxaan rabaa halkan inaan Tacsi uga diro Qoyka iyo Eheladii ay ka dhimatay Dhudi Yuusuf Aadan oo shalay (Dorraad) ay Shar-wadayaashu ku dileen magaalada Gaalkacyo, Allaah ha u naxariisto.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maamulka Puntland oo shalay Saxaafadda kula hadlay Madaxtooyada magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo sii watay hadalkiisa, waxa uu intaas ku ladhay; “Waxaanse u sheegay Al-Shabaab waxa weeye, Dabcan markay ku ceeboobaan goobaha dagaalka ee ay Ciidammada iskaga hor-yimaaddaan inay ku soo guryo-noqdaan dadka Masaakiinta ah iyo Birma-gaydada ay laayaan waa dhaqan ay leeyihiin.” “Laakiin, sidoo kale waxaannu u sheegaynaa inay Xabsiyada ka buuxaan Al-Shabaab tiro badan, markay kuwo dilaan inaannu dili karno ayaannu u sheegaynaa.. Markaad Shan Dishaan labaatan baannu dilaynaa, waana naga dhab oo Xabsiyadayada ayey ka buuxaan Al-Shabaab tiro badna.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.