Arinka Ka dhacay Gobolka Saaxil gaar ahaan Degmadiisa Bebera Saaka ee lagu waxyeeleyey Shaqalaha Ajaha-nebiga waa fool-xumo weyn iyo daaqud-nimo tii ugu xumayd.
Waa in Madax iyo waxgaradka Aqoon-yahanku iyo Hal-doorkuba Gobolka saaxil wax ka qabsheed isu istaagan.
Aad iyo aad ayey ii damaqday arinkaasi, iyo ficiladda la mid ah ee lagula kaco Dadka inooga yimaada Wadamada kale Dalkeena jooga.
Jamhuuriyada Somaliland waa u bahan tahay bulshooyin farra badan Aqoon, xirfado, iyo il-baxnimo Xadaradeed leh inay inoo yimaadan inala noolaada. Dadka arinka aan wanaagsan ibnu-aadanimada iyo sharfteeda my kacay waa kuwo aan Aqoon iyo waayo-aragnimo ,maskax fikar baxsan leh aan lahayn
Inay laayaan ma aheyn inay wax ka bartaan! ayey aheyd soona dhaweeyaan si walal-tinimo iyo Dad-nimo ku jirto.
Waa fal Qaranka ahaan ceeb iyo fool-xumo weyn inoo soo jiidaya sidda marka ay tahay waa masuuliayad guud o Dawalad amma Xukumada saaran qof kast oo Muwaadin ah iyo mid kale oo u soo haajirayba in Aamaankiisa la sugo lanna ilaaliyo
Waxa aan filaya inay yihiin kuwo soo galay dhawaan oo aan Aqoon durugsan ka ogeyn taariilhda Gobolka Saaxil leeyahay ee soo jireenka ah waxa ka ogeyn amma aan garaneyn . Taas ayaa sabab u ah dhacdan ugubka ah ee ku dhaqaaqideed aad u xun yahya ,waayo haddii ay yihiin dad Gobolka Saaxil ku soo ,koray kunna barbary waxay wax ka ogaan lahayeen taariikda dahabiga ah ee Beberi leedahay ee ah inay Hooy Wanaagsan oo cid kast oo timaada qayba kasta degaansho Nololeed ah ay uga heli jirtay isla markaan iyaggu noqon lahayeen kuwo ilaaliya ixtraam xidhiidhka soo jireenka ah iyo qotodda dheer ee Gobolka, Degmadiisa Berbera ,leedahay Adduun-weynaha kale halkaan ka sii wadaan cid kast iyo qof kasto yimaadan helo magan-gelyadii dhameyska tireyd ee uu Berbera ka heli jireen ummadiihi hore u soo haajiri jiray.
Waxa taariikda and u fac-weyn marka Berbera lagga adlaayo xidhiidho xidadiisu Filsan yahay ee Aduunka la leedahay dhinac kast oo ay noqoto marka ma qabto in far qof oo durufaha Addunyadu keenen oo shaqaysanaaya isla markaan ka soo baxaya Shaqadooda sidii lagga rabay in lagu dhex dilo oo kuwo aan shaqo gudaneyn ku mar mardiyoodaan Shaqadii ayey Naga qaadeen markii ay gudan kari-waayeen uguna soo bixi waayeen sidii ay aheyd.
Waxa la gudboon Maamulka Gobolka Saaxil inay sida ugu wanaagsan ugunna haboon wax uga qabtaan arintaan, Dadka dalalka kale inooga yimi ay ku sugaan amnigooda Dadka laftooda ay bixiyaan waxii ku waajibay ee Xaquuq ah ee Degmada Berbera degaanshaheeda iyo ka qashaynteedu ku waajibisay.
Kuwa dhibaatooyinka dhaawac leh geystaan waa mid Maasuuliyada maamuka ah qayb kasto ay yihiin isla markaan u soo qab-qaban lahayeen unna hor-geeyaan Ha,yadaha Garsoorka ee Gobolka sida dhakhsaha badan si looga abaal-mariyo dhibaada Xanuunka iyo foolxumada ah ay u geystaan Dad aan waxa dhibaato ah u geysan iyagga balse gar-darro iyo Aqoon darro hayda awgeed arinka you kaceen.
Alle xaqqa ha inagu hanuuniyo Xaqdaradna ha ina garansiiyo inaynu ka joogsano.
Fikrad xorta ah ee Muwaadinka.
Abokor I Maxamoud.
abokorm@hotmail.co.uk.