Waa Sidee Xaalada Caafimaad Ee Suldaanka Guud Ee Siciid Garxajis Oo Xaalad Caafimaad U Jiifa?

0
37

Hargeysa (Hubaal)- Suldaanka Guud Ee Beellaha Siciid Garxajis [Habar-yoonis] Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-Qani  ayaa  habeen hore loola cararay Cusbitaalka Gaarka loo leeyahay ee International Hospital Hargeisa ee Xaafadda Calaamadaha, siilaanyo oo booqday suldaan qanikadib markii uu ku soo booday xanuun kedis ah.  Suldaanka guud ee beelaha habar Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ayaa  markii cusbitaalka loola cararay  ku jiray xaalad miyir doorsoon ah [Koomo] balse wararkii u dembeeyey ayaa sheegaya in xalay cawayskii uu Koomada kasoo noqday isla markaana ay ilaa haatan   xaaladdiisa caafimaad aad u wanaaagsan tahay sida aanu ka soo xiganay dhakhaatiirka cusbitaalka ee xanuunkiisa la tacaalaysa.   Dhinaca kale  Madaxweynaha Somaliland intii aanu shalay u amba bixin dalka Itoobiya  ayaa  Cisbitaalka  ku booqday Suldaanka  Isaga oo  ALLE uga baryey caafimaad sareecana oo khayr leh inuu siiyo kana dulqaado xanuunka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here