Waa Sidee Xaaladda Garoonka Kubedda Kolleyga Tima-Cadde Oo Lagu Qaban Doono Tartanka Ciyaraha Gobollada JSL Ee Maalmuhu Innaga Xigaan? -Warbixin Muuqaal Ah

0
63

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) Oo Cadalool Uga Xog-Waramay Duruufo Baahsan Oo Isla Xaadirkan Ka Jira Gegida Loo Qoondeeyay Inay Tartanka Ciyaaraha Gobollada Ka Dhacaan Iyo Cidda Sababteeda Leh

Hargeysa (Hubaal) Garoonka kubadda Kolayga Tima-cadde oo martigelinaya ciyaaraha gobollada Somaliland oo qabsoomaya toddobaadka dambe ayaa laga dayriyey xaaladdiisa, gaar ahaan dayacnaan iyo burbur ku yimid.

Muuqaallo caddaynaya dayaca ku yimid iyo in aanu diyaar u ahayn in tartan lagu qabto wakhtigan Garoonkan oo ah ka kaliya ee lagu qaban karayo tartan kubadda Kolayga ah, ayaa waxa ka muuqda jajab sibidhka garoonka gudihiisa ah, kaas oo sababi kara in ciyaartoygu ku kufaan oo dhaawacyo kasoo gaadhan. Xashiish badan ayaa isaguna garoonka dhex yaalla, halka Ranjigii calaamadaha u ahaa garoonku uu masaxmay oo ay adkaan doonto fahamka shuruucda garoon bilaa calaamado ah, gaar ahaan waxaa ciyaartoyga iyo garsoorka ku dawakhi doonaan go’aamada ay ka gaadhi doonaan goolal dhashay, ciyaartoy diillinta aan loo ogolayn dhex istaagay iyadoo saaxiibkii kubadda hayo iyo arrimo kale.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) oo ka mid ah ruug-caddaaga ciyaaraha kubadda Kolayga ee Somaliland, isla markaana ka mid ah dadka iyagu sida tooska ugu xidhan garoonka ee aan ka dhex bixin daawasheeda , mararka qaarna isaga iyo intii cuslaatay isku kala bixiyaan, ayaa garoonka gudihiisa ugu warramay CADALOOL, waxaana uu ka sheekeeyey duruufaha adag ee garoonkaas ka jira, cidda dayacday, halka la mariyey kharashka dayactirka ee miisaaniyadda ugu jira iyo arrimo kale.

Halkan ka daawo muuqaalka garoonka iyo wareysiga xildhibaanka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here