maanso roob-doon ah oo uu tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdibashiir), 2017-01-10
Abaartani waxa ay sintay beledkii. Cid u ciidami karta cid kale waa ay yartahay. Sannaddadii hore waa la isla gurman jiray, laakiin sannadkan waxa ka dhacday. “geed walba in gubtaa waa ay hoos taallaa”. Sidaa darteed ayey dadka qaar ugu magac-dareen SIMA, “Abaartii Sima”. wuxu yidhi:
Waa SIMA abaartani
Waa saban xanuun badan
Saxal iyo kulaylba leh
Ku surmiye carruurtii
Ku saboole reerii
Soofkoodi daaq waa
U saqaafe beled kale
Halkay foolka saareen
socod dheer gadaashii
Saac iyo naq laga waa
Dadki saamo weeyaan
Sida ay u eegtahay
Samadoo qudhaa furan
Waa SIMA abaartani
Si waxay la jaadtahay
Soor iyo biyaba waa
Sannadkii la odhan jiray
Sina waxay la jaadtahay
Gaadhi gaadhi saarkii
Ama salowgii Dabadheer
Oo aan Sablaaliyo
Saad ciidan bixiyiyo
safar daabulaadiyo
Sahan dawladeedoo
lagu sii sabraa jirin
Sida ay u eegtahay
Samadoo qudhaa furan
Salballaadhne jiilaal
saakaabu kow yahay
Subxaana´e Allahayow
Xumo kama saliim ahi
Saahidiinta kuma jiro
Inta saama-layshee
kuu soogan adigee
Samahooda muushka ah
Dano kugu su´aashiyo
Saalixnimo iskuma hubo
Balse waxan siddiiqsanay
siintaadu Deeqloow!
sankuneefle idilkood
ina ay u simanyiin
Sarreeyow Allahayow
surbacaade ubadkii
Soomalhaade dumarkii
Socod gabe duqaydii
saf u lee´de xoolii
Sacabbadayda Eebbow
Saraan kuugu taagee
Sifir haygu soo celin
Saatirow Allahayow
Eebbow samatabixiyow
Si kastaba awoodow
Adaa saxalka qaadee
Naga jebi sufuulaha
Cirka sooryadaadoo
Lagu seexdo liibaan
Dhakhso noogu saameel
AAMIIN!